“Haddii Ururkaasi Soo Baxay Labada Xil Mid Iskaga Tag, ilayn markii hore waad ishaafalataynaysaye’ ”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu labada xil mid ka dego haddii uu ku guulaystay in ururkiisii u soo baxay heer xisbinimo.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad xisbiga UCID maanta ku qabsaday magaaladda Hargeysa oo ay ugu dabaal-degayeen guusha xisbigoodu ka soo hooyay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii November 2012-kii.

Jamaal Cali oo la hadlayay Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan maanta markii u horaysay ka hadlo labada Xil ee uu isku hayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland. Waxaan leeyahay Saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro oo aanu saaxiib nahay Qadarin badana aan u hayo waanu ognahay inaad markii hore Ishaa falataynaysay oo aad doonaysay inaad kursiga sii joogto oo aad eegto inaad in Ururkaagu soo baxo.”

“Laakiin Maadaama uu soo baxay Xisbigaagii oo aad halkaad doonaysay ku gaadhay labada xil mid iskaga tag iskuma hayn kartide’,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com