“Haddii la Tartamo cid ayuun baa Badisa, Xukuumaddana waa Tii ugu waxqabadka badaynd”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Cabdi Daahir Camuud oo ka mid ahaa Golihii Wakiillada ee hore ee Somaliland isla markaana illaa 2003-dii ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa is-barbar dhig ku sameeyay xukuumadda talada dalka haysa iyo xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale.

Cabdi Daahir Camuud waxa kale oo uu ka hadlay hanaankii ay u qabsoontay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka dhacday, isla markaana wuu amaanay qaabka ay dawladdu u maamushay ee ammaanka u ilaalisay, waxaanu sheegay inay ka wanaagsanayd doorashooyinkii hore ee dalka ka qabsoomay muddooyinkii hore.

Siyaasigan Cabdi Daahir Camuud oo shalay Wargeyska DAWAN nagu soo booqday ayaa sidoo kale fariin u diray ururrada aan ku qancin natiijada doorashada, waxaanu ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana ay dhawraan hanaanka dimuqraadiyadeed ay Somaliland ku talaabsatay, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “Dalka intii aan kusoo laabtay waxaan ku isbedel ka muuqda dhinaca xukuumadda, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale waxa ka isbedel badan Xukuumadda hadda jirta ee Kulmiye xaga waxqabadka, xaga dhaqaalaha iyo magaalooyinka sida loo qurxiyay.”

Siyaasi Cabdi Daahir Camuud waxa amaanay hanaankii doorashadii deegaanku u dhacday. “Doorashada waqtigaa hore la samaynayay iyo tan maanta la sameeyay laba kala duwan ayay ahaayeen, doorashadaas hore yab-yab ayay ahayd, dawladdii markaa jirtayna way hirgelisay, laakiin tan imika waxaad moodaa in xoog loogu bislaaday, waxaanay la mid ahayd doorashadii 2002-dii, laakiin way ka tayo fiicnayd, xaga dhaqaalaha way ka wanaagsanayd, xaga awoodda dawladnimana way ka wanaagsanaydoo waxaad arkaysay meelaha qaarkood haddaan dadka xoog lagu kala celinaynin way isla jiidhi lahaayeen, dadkuna runtii deegaanada horumar ayuu ku samaynayaa. Doorasho kastana waa lagu kala calaf qaaday ama ha xumaato ama ha wanaagsanaatee, waxaanay ahaayeen runtii wax dawladda Somaliland ka wayn, haddana waxaa inaga waynaa waynu ka baxnay, rejada iyo waxa aynu ka filaynana Illaahay ayaa ina siin doona oo waynu ka sugaynaa.” ayuu yidhi.

Mudane Cabdi Daahir isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, isla markaana uu fariin u diray ururradii ku hadhay tartankii doorshada deegaanka. “Waxaan u soo jeedinayaa haddii la tartamo cid ayuun baa badisa, Ururrada hadhay ee qaadan la’ natiijada anigu waxaan u arkaa inay yihiin ururro aan marka horeba awood fara badan aan lahayn. Sababtoo ah ururku waa inuu u diyaar garoobaa inuu guulaysto iyo in laga guulaysto, maaha inuu yidhaahdo qasab tayda ha noqoto. Markaan Ururka Xaqsoor tusaale u soo qaato run ahaantii Mujaahidka hogaaminayay anigu waan u han waynaa, ismaan lahayn ninkaasaa muran iyo buuq badan dhalin doona, waayo raggii halkan lexejeclada badan ku lahaa, imikaanu isa soo taagay, waxay ahayd wixii natiijo ah ee soo baxay inuu ku qanco, waayo taagtiisiibaa halkaa dhigtay, markaa anigu Ururrada hadhay waxaan odhan lahaa waa la kala guulaysan jiray waligeedba, xukuumaddan hadda jirta ee Kulmiye 80 cod ayay kaga tagtay, idinka marka idin qiimeeyana Xaqsoor ahaan kaalinta shanaad ayaad tihiin, markaa maaha inaad dadka kadeedaane waa inaad qaadataan, haddaydaan wax kale u jeedin, waxaanan u soo jeedinayaa taagerayaasha Xaqsoor inay nabadgelyada ilaaliyaan, haddii marka qof inagaga dhinto uun aynu baraarugno waa mushkilad, waa inaad wax qiimo u mudaharaadaa. Ururka kale ee Ummadduna hore ayuu u shaaciyay inuu qaatay natiijada, inkasta oo aanu ka qaybgalin habeenkii uu Madaxweynuhu casuumay.”

Dhinaca kale, Cabdi Daahir Camuud waxa uu sheegay in Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ay isugu tageen dadkii aqoonta iyo waayo-aragnimada lahaa, isla markaana u soo halgamay dibu xoreyntii dalka, kuwaasoo uu tilmaamay inay lexejeclo ka qabaan dawladnimada iyo dalkaba.

Cabdi Daahir waxa kale oo uu u mahad naqay Wasiirradda Madaxtooyadda, Maaliyadda, beeraha iyo badhasaabadda goboladda dalka oo uu uga mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeyeen mar uu dhawaan dalka keenay koox filim dukumantari ah oo soo bixi doona bisha April ee sanadkan oo ku saabsan nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Xigasho Wargeyska DAWAN