Dhacdo Wareedyadii Ugu Mudnaa 2012 Qaybta 4aad :

Faaqidaad Xassan Cumar Horri

Qaybta 4aad :
Somaaliland- Doorashada G. Degaanka Guul iyo Dhaliilo Jira

• Dib-U-Cugashadii Barack Obama- Doorasho iyo Dhacdadii Ugu Shislayd 2012
• Gu’ga Carabta iyo Saamaynta Islaamiyiinta
• Guga Carabta- Masar oo Qarka U saaran Burbur Siyaasadeed
• Somaaliland- Doorashada G. Degaanka Guul iyo Dhaliilaha Tubta Dimuqraadiyadda
• Somaaliya- Dawlad Ann Ku Meelgaadh Ahayn iyo Ambabaxa Al-Shabaab
• Kenya- Qaraxyo Isa Soo Taraya iyo Doorashada Ku Soo Fool Leh
• Suuriya- Madaxweyne Aan Tudhayn iyo Kacdoon Burbur Horseeday
• Waayaha Falastiin- Duruufaha Adag iyo Yididiilada Soo Bidhaamaysa
• Itoobiya- Geeridii Ra’iisal Wasaare Males Zanawi iyo Raadkii Uu Ka Tegay
• Maali- Dawaariqa iyo Ururka Al-Qaacida Oo Ku Habsaday Waqooyiga Dalka
• Britain- London Oo Si Qurxoon U Martigelisay Tartankii Olympic 2012
• Kuuriyada Waqooyi- Gantaal Lama filaan Ah Oo Si Guul Ah U Ambabaxay
• Maraykan: Caruur Lagu toogtay Dugsiga Newtown iyo Sharciyadda Hub-Haysashada
Hase ahaatee, marka hore waxaan eegaynaa “Wada Hadaladii Somaaliland Iyo Somaaliya” kuwaasoo aan indhaha kor looga lalin karayn marka laga hadlayo waayahii Somaaliland iyo sannadka 2012.
Shirka Somaalida ee London waxaa soo balleeyay dowr iyo konton dawladood, ururo goboleed iyo Qaramada Midoobay, waxaana hoos loogu sheegay aafada ku habsatay Somaalida. Go’aamada ka soo baxay shirka, Qoddobka 2aad ee Siyaasadda waxa uu u dhignaa sidatan. “ Shirku waxaa uu aqoonsaday baahida loo qabo in bulshada caalamku gacan ka gaysato wada-hadal dhexmara Somaaliland iyo Dawladda (TFG) Somaaliya ama ciddii bedesha si ay isu la meel dhigaan xidhiidhkooda mustaqbal.” Markaa, wada hadalka labada dal oo maqaam siman ku wada xajooda waxaa ay ka soo duxday, kana soo bilaabantay London.

Haddaba, godob kasta oo dhex taalla, lama sababayn karo waxa ay ku kala maqnaadaan dad wadaaga diin, dir, degaan, af, dhaqan iyo hidde. Taas macnaheedu ma aha walaalahu mar kasta ay ku midaysnaadaan wax kasta. Sida xubnaha qoysku ugu kala tegi karo duruufaha, damaca iyo danta ayaa siyaasadana loogu kala tegi karaa. Somaaliland iyo Somaaliya iyagoo muddo 20 sannadood ah ku kala maqnaa dhib iyo dheef ayaa shirkii Lancaster House, London u goleeyay inay fool ka fool isu arkaan 23kii February 2012.
London- Shir doceed 2 maalmood socday ayaa labada dhinac uga furmay, isla bishi June, Chevening House, duleedka London. Shirka waxa ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban 8 qoddob iyo in labada dal iska kaashadaan dhinacyada nabadgelyada, la dagaalanka argagaxisada iyo budhcad badeedda. Shirku waxaa uu soo jeediyay in la kordhiyo kaalmada aadminnimo iyo horumareed ee labada dal.
Waxaa la sheegay in ay sii socdaan wada hadaladu iyo in ay dhowaan kulmi doonaan labada Madaxweyne. Labada dhinac cidna u ma kala dabqaadayn iyagaa si toos ah u wadahadlay. Hase ahaatee, furitaankii iyo gunaanadkii shirka waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka socday Britain oo shirka marti gelisay, Midowga Yurub iyo Norway oo iyaguna aad u daneeya arrimaha Somaalida.
Somaliland waxaa metelayay Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Dr.Maxamed Cabdullaahi, Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaji Xasan, Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed “Garaad”, ku xigeenka wakiilada Md. Baashe Maxamed iyo Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe. Dhinaca TFG waxaa hoggaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdisamad Macallin Maxamuud.
DUBAI — Sidii hore loo sii tibaaxay, dabayaaqadii June 2012 waxaa magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta ku kulmay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, Madaxweynaha Somaaliland iyo Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynaha Somaaliya.

Kulankii labada Madaxweyne waxaa uu jebiyay derbigii aamusnaanta waxaana lagu heshiiyay in uu sii socdo wada hadalku. Madaxweynayaashu waxaa ay qalinka ku duugeen qoddobo dhowr ah oo hordhac u ah, marka hore, in la iska kaashado waxyaabah badan oo heshiiska lagu yahay. Hase ahaatee, ma suurta gelin in si qottodheer loo gudo galo aayaha labada dal. Taas waxaa wiiqay Madaxweyne Sheikh Shariif oo xilku kaga idlaanayay 60 maalmood ka dib.
Imaaraatka Carabta oo gogosha dhigtay ayaa si buuxda u taageertay, sidoo kale, Britain iyo dalalka Yurub. “Dalka Imaaraatku waxaa uu dareensan yahay habeenno yar in aan lagu hilmaami karay xanuun fara badan oo muddo soo jiitamayay. Balse waxaan marag ka nahay kulanka labada Madaxweyne iyo in ay hortayada ku saxiixaan heshiis irridda u ballaqaya wada-xajoodka.” Sidaa waxaa madasha kaga tiraabay Mudane Anwar Mohammad Gargash,Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraatka.
Madaxweyne Siilaanyo waxaa ka shirka ku weheliyay Guddoomiyayaasha saddexda Xisbi Qaran, Madaxweynahii hore Mudane Daahir Riyaale, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Muuse Biixi.
Doorashadii Golaha Degaanka 2012
Qaybtan 2aad ee qormada waxaa ku dhugan doonaa doorashadii Golaha Degaanka 2012.
Hayaanka iyo geeddi socodka tubta dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan ma aha arrin ku cusub dalka..
? 35 sannadood ka dib, 2001 shacabku waxaa uu u dareeray in loo codeeyo Aftida Distuurka.
? December 2002 waxaa si nabadgelyo ah loo qabtay doorashadii Golayaasha Degaanka.
? Sannadkii 2003 xisbigii talada gacanta ku hayay, UDUB, wax ka yar 100 cod ayuu kaga guulaystay Kulmiye. Arrintaasi waxaa ay dalka u horseedi kartay xasilooni-darro haddii aanu jirin dhaqan la xeeriyo, odayaal lagu hirto iyo bisayl siyaasadeed. Waxaa xusid mudan colaadahii ka aloosmay dhowr dal oo Afrikaan ah ka dib markii lagu heshiin waayay doorashada. (Eeg Zimbabwe 2005, Kenya 2007, Ivory Coast 2010 iyo DRC 2011.)
? 2005, Muran la’aan waxaa ku qabsoontay doorashadii Golaha Wakiilada.
? 2010 waxaa dalka ka suuta-gashay doorashadii 2aad ee Madaxtooyada. Si nabad ah waxaa uu xukunku ugu wareegay Xisbiga talada haya, Kulmiye.
? November 2012 waxaa dhacday doorashada Golayaasha Degaanka.
Doorashadan oo hadda uun laga faraxashay waxaa ayaan xumo ah, bil ka dib, markii lagu dhawaaqay natiijada in ay weli dalka ka sii socdaan rabshado dil iyo dhaawac keenay kuwaas oo ka dhashay natiijadii doorashada. Shalay magaalada Boorama oo uu booqasho hawleed ku tegay Madaxweyne Ku-xigeenku waxaa laga ;la hor yimd taayiro la gubayay, diidmo qayaxan oo la xidhiidha hawlgalkii doorashada iyo dibadbax hal qofna ku geeriyooday, dad bandanna ku dhaawacmeen. Sidaa darteed, waxaan kor ka xaadinaynaa aragtida ay wadaagaan dad faro badan oo ehel u ah wax ka sheegidda amaanta iyo dhaliilaha Dorashadii Golaha Degaanka ee 2012.
Ugu horayn, si loo taabbo-geliyo doorasho qaran waxaa loo baahan yahay in la qaado saddex dhabbo oo is barbar socda kuwaas oo ku soo aroora doorasho xor iyo xalaal ah: -
Dhabbada 1. Komishanka waxaa laga filayay iyagoo la kaashanaya xukuumadda, golayaasha xeerdejinta iyo xeeldheerayaasha in ay diyaariyaan saaxad si siman loogu tartami karo. Waxay ahayd in ay ka faa’iidaystaan waayo-aragnimada dalka iyo casharradii hore loo bartay iyo waxii aan ka bawsan karno dalaka inna la duruufta ah. Waxaa laga sugayay si qotodheer in ay u gufeeyaan goldaloolo kasta taasoo aan dhicin.
• Diiwaangelin: Komishanka hadda jooga waxaa hore loogu amaanay Doorashadii Madaxtooyo ee 26kii June 2010 iyadoo loo wada arkay xor iyo xalaal. Hase ahaatee, markan waxay u muuqdaan in ay ka gaabiyeen adeegsiga xogaha iyo xoogagga waxtarka u yeelan karay. Dalka waxaa u diiwaan-gashan 1,069,914 codbixiye. Waxaa hore loo tababaray dad ka badan 5,000, waxaana la hawl-geliyay dad gaadhayay 8,000. Waxaa si siman cabasho uga soo yeedhaysaa ururadii guulaystay iyo kuwii hadhay labadaba iyagu Komishanka ku eedaynaya in ay isku soo koobeen taladii halkaana ay ka luntay wada-tashigii dalkeennu ku soo caano maalay. Diiwaan-gelin la’aantu waxaa ay tahay cilladdii ugu weynayd oo soo foodsaartay doorashada. Haddaba inkastoo diiwaan-gelinta laga ansaxiyay Golayaasha Xeerdejinta, iyo inkastoo xukuumaadda iyo ururadu oggolaadeen, eeddu ma aha mid la wadaago balse waxaa loo aanaynayaa Komishankii Doorashooyinka Qaranka.
• Maaraynta Codbixinta: Komishanku markii uu laalay diiwaangelinta waxaa uu jideeyay qof kasta oo maqaarkiisu madow yahay in uu sidii uu doono ugu faygaro doorashada. Waxaa lumay xuquuqdii muwaadinnimo. Cid kasta oo ay u horreeyeen korjoogtadii caalamiga ahayd waxaa laga marag kacay safafka codaynta in ay buuxiyeen caruur aan qaangaadh ahayn. Isla markaa, si loogu noqnoqdo codka in dadweynahu khadka ku tirtirayeen afaafka goobaha codaynta.
• Tirada Xisbiyada: Waxaa run ah tirada ururadu in ay labanlaab ka badnaayeen kuwii hore arrintaas oo culayskeeda lahayd. Balse taas micnaheedu ma ahayn sida ay u tarmeen ururadu in ay u korodhaan codadku. Ogow dadku waa dadkii hore u codayn jiray.
• Lambarada lagu codaynayo: Markii Komishanku go’aamiyay in lagu codeeyo Lambaro lagana guuro astaamahii la isla garanayay waxaa saddex laabmaya hawshii iyo saacadahii codaynta loogu talo galay. Ogow dalkeennu wax-qorista iyo wax-akhriska (literacy) waxaa uu adduunka kaga jiraa kaalinta 199aad iyadoo ay wax akhriyaan 37% ragga iyo 25% dumarka. Waxaa hoos innaga sii xiga 6 dal oo kala ah Sierral leone 35.1%, Chad 34,5, Mali 31.1%, Niger 28.7%, Afghanistan 28.1% iyo Burkina Faso 21.8%. Talada lagu laalay astaamaha waxaa ay u dhigantaa in loo calaamadeeyo 75% , codbixiyayaasha, waa haddii aan lagu talo gelin in dadkaa la duudsiyo xaqooda.
• Dhabbada 2. Qaybta dhexe waxay ahayd wacyigelin, ololayn iyo codayn. Hawshaa inteed badan waxaa ay ku kooban tahay murashaxiinta, ururada iyo taageerayaasha waxaa dalka iyo dadkuba ku mutaysteen magac iyo karaamo. Waxaa loo ololeeyay si firfircooni leh. Warbaahin kasta oo Afsomaali ku hadasha waxaa daboolay olalahii Somaaliland waxaana ay noqotay mid ku dayasho mudan.
• Dhabbada 3. Qaybtan danbe ee soo saaridda natiijada waxaa ay u reebanayd Komishanka. Waxaa run ah “Gari Labo Kama Wada Qosliso” se mar kasta waxaa jiray tabasho iyo dhaliilo la maarayn karayay kuwaasoo la’aantood si sidan dhaanta dadku u qaadan lahaa guul-darrada. Halkan weeye halka sartu ka qudhuntay loomaana baahna in aan ku sii talaxtago. Balse waxaa aad loogu baahan yahay sidii tan oo kale mar danbe aanay u dhacdeen.
hassanhorri@gmail.com