Beelaha La hayb sooco iyo Haweenka Oo Ku Diirsaday, Soona dhaweeyay Baaqii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Somaliland.Org)-Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen xubno ka socday ururada Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco, kana qabsoomay Xarunta Ururka Haweenka ee Nagaad ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku taageereen Baaqii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo mar labaad kaga dalbaday Golayaasha sharci dejinta inay ansixiyaan Kootadii loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha laga tirade badan yahay.

Qarannimaddu waa quruxda iyo qiimaha shacabka hoos hadhsanaaya

Aan ku bilaabee qormadan sidda aan ognahay Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo martay sooyaal taariikheed oo aad xuskeedda iyo xaalkeeddu u mudan tahay, isla markaasina ay iska bedeleen Afar madaxweyne oo qiimahoodda, qaderintoodda iyo qiridda hawlaha ay qabteen tahay mid ninkii iimaan lahi aqoonsanyahay oo si kasta oo siyaasadda laysugu hayo ama faraq siyaasadeed u jiro hadana laga markhaati kaco markay tahay hebel maxuu qabtay oo dalkiisa iyo dadkiisa ku soo kordhiyey.

Madaxweyne Siilaanyo oo Ingiriiska ficil ugu bandhigay heerka nabad-gelyadda Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa saaka socod ku maray jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo banaan-bax balaadhan ka dhigeen oo ay oo ay kaga soo horjeedaan qaraarkii dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland sababo amniga la xidhiidha.

Banaan Bax Lagaga Soo Horjeeday dhawaaqii Ingiriiska oo Ka dhacay Bali-gubadle

Hargeysa (Somaliland.Org)-Banaan-bax lagu caddaynayo Nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, lagagana soo horjeedo warbixinahii wasaaradda Arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa maanta ka dhacay Degmadda Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd. Kumanaan dadweynaha degmadaas ah ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada kuwaaso socod nabadgelyo ku maray wadada weyn ee magaaladaas dhexmarta, iyagoo ku dhawaaqaya kelmado cadaynayey […]

“Waxaan ku Han-weyn Nahay In Xidhiidhkii Wacnaa ee Somaliland Iyo Ingiriiska Aan Soo Celino…”

Addis-ababa (Somaliland.Org)- Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Itoobiya, Greg Dorey, ayaa sheegay inuu ku han-weyn yahay in si dhakhso ah loo soo celiyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Ingirriska. Safiirka oo Dr. Moha Farah Jire oo ah Saxafiyad Arimaha Africa iyo Caalamka u qaablisan Nabadgalyada, Diplomasiyada, Siyaasada ugu waramayey Adis Ababa waxa uu ka hadlay xanibaadii u socdaalista Somaliland ee Muwaadiniinta Reer Ingiriis.

Xaflad lagu Gorfaynayay dib u dhiska Madaarka Burco oo Liverpool Lagu Qabtay

Liverpool (Somaliland.Org)- Wefti ka kooban Badhasaabka Gobolka togdheer Mudane Cabdoo Aayar oo ay weheliyaan Gudoomiyaha gudidda dib u dhiska madaarka burco Sheekh Cali Mawliid iyo xildhibaan Cali Maxamuud Dirir ayaa maanta ka dhacay magaaladda Liverpool. Hadaba xafladan oo ay soo agaasimeen haweenka Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Liverpool ayaa ahayd mid heersare loo […]

Somaliland: Moving Forward After UK Cries Wolf

  By: Robleh M. Lafcanbe You would think that the UK would know better than to cry wolf. On Sunday, the UK government issued a warning urging their citizens to flee Somaliland. According to a statement released by the UK foreign office, there’s danger of “kidnapping for financial or political gain, motivated by criminality or […]

Cusbitaalka Qudus ee Hargeysa oo laga fuliyay Qalliin noociisu ku cusub yahay Somaliland

Hargeysa(Somaliland.Org):- Cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Qudus ee Magaalada Hargeysa, ayaa Dhakhaatiirta ka hawl-gashaa waxay ku guulaysteen qalliin ay sheegeen in noociisu ku cusub yahay Somaliland, kaasoo ay ku sameyeen Wiil yar oo lix sano-jir ah, kaasoo Carrabkiisa caadiga ah Fiix Carrab labaad noqotay kaga taallay muddo dhawr sano ah, taasoo sababtay inaanu hadli karin, isla markaana cuntada si caadi ah u isticmaali karin.