Maayar & Maayar Ku xigeen Cusub oo Loo doortay Degmadda Gar-adag

Gar-adag (Somaliland.Org)- Golaha deegaanka degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, ayaa maanta doortay maayar iyo ku-xigeen, ka dib kulan ay yeesheen. Kulanka Golaha deegaanka oo goob-joog uu ka ahaa badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Geeljire, ayaa waxa ku sugnaa dhamaanba 12 xildhibaan ee uu Golahaas ka kooban yahay , waxaanay cod gacan taag ah ku doorteen […]

Siciid Ilko Jiir waxa uu isku dhuftay Shaambad Fool xun

Wuu iska baydhiyay eedihii samayska ahaa ee uu alifay hal-abuurka magaciisu yahay Siciid Ilko Jiir oo si yaq-yaqsi leh u hafray awoodana saaray siidii mixnad u dhex dhigi lahaa xukuumadda Somaliland Iyo dadweynaha degmadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo ah kuwo aan mixnad la dhex dhigi Karin isla markaana xanafta yar ee doorashaddu aanay kala gayn Karin.

Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Abwaan sheegay inuu la xidhiidhay iyo Mudaharaadkii Hargeysa

“Ninkaas Anigu Ma Aqaano, Garanna maayo, Lamana Hadlin wajigiisana Walle ayay Iga Tahay”

“Awood Gaar ah oo aan leeyahay Ma Jirto. Waxa fiicnaan lahayd inaad tidhaahdo dadka ugu shaqadda badan baad tahay”

“Madaxweynuhu waxa uu bixiyay lacagtii lagu qaadayay Dhaawacyada, kuwii dhintayna Magtoodii ayuu balan-qaaday, taasi ayaa kuu muujinaysa sida ay dhab uga tahay in la dhawro dadka”

“Waxaan ku hambalyeynayaa Jaaliyadda Birmingham Inay Xaliyeen khilaafkii dhexdooda”

London (Somaliland.Org)-Gudoomoyaha Qurbajooga & Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland ee UK Abdiraxman Ali Ubaxle ayaa Jaaliyada Somaliland ee Degan Birmingham iyo nawaaxigeeda ugu hambalyeeyey is afgaradka ay ku xaliyeen khilaaf ka dhex aloosnaa in mudo ah qaybo ka mida Jaaliyada oo isku maandhaafsanaa maamulka jaaliyada Somaliland ee Birmingham, khilaafkan oo sababy in ay gaabis noqoto shaqada jaaliyada iyo wax wada qabsiga shacabka reer Somaliland ee degan magaalada Birmingham balse ugu danbayn xalilmay gacmahana la isku qabsaday.

Sadexda Xisbi Qaran ee 10-ka sanadood ee soo socda oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudida diiwaan gelinta ururradda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa maanta xaflad balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxay ku shaaciyeen sadexda xisbi qaran ee ku guulaystay doorashaddii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii bishii November 2011, kuwaasi oo noqonaya xisbi tobanka sanadood ee soo socda.