Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo Shahaadooyin Ku Maamuusay Shirkado iyo Askhaas

Hargeysa (Somaliland.Org) – Munaasibada lagu xusayay sanad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay maalintii asaaska dhallinyarada ee Unuga Wadanniyadda.

Munaasibadan oo caawa lagu qabtay Huteel Imperial ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, gudoonka Jaamacadda Camuud iyo marti-sharaf.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Dhallinyarada C/rashiid Cumar Maxamed oo ugu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudddii u jiray ururkani iyo wxyaabaha ku talogal ee uu qorshaysan isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ururkani waxaa la asaasay 2005 bishii 12aad soddonkeedii, waxaan asaasay da’yarta Jaamacadaha ee dalka ka qalinjebisay iyo kuwo xilligaasi, waxaana loogu asaasay caasimadda Hargeysa. Ujedooyinka Ururkani loo asaasay waxaa ka mida in maskaxda bulshada ku beerno dareen wadaniyadeed una midoobaan horumarinta difaaca dalkeena hooyo, waxaa kale oo ka mida asaaskiisa xaq iyo xorriyadda muwaadinku leeyahay ama lagu leeyahay iyo u barbarinta jacaylka wadaniyadeed ee da’yarta dalkooda hooyo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi ayaa waxaa ugu horeyn bogadiyay ururka da’yartaasi iyo hogaankooda. Waxaanu tilmaamay in ururkani ay xisbi ahaan wax badan la qaban doonaan, ururkaasi waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan munaasibadani idin kala soo qaybgalo waan ogahay ururadeena badana yaraanbay ku saqiiraan laakiin hadaad adkaysateen oo aad afar sano ururkani marayo, waxaan filayaa inuu idin badbaaday.

Ururkanu waa mid ka duwan ururada kale meelaha aad tidhaahdeen waanu ka shaqayna mujtamaceenuna aad buu ugu baahan yahay.

Xildhibaan Axmed maxamed Diiriye (Nacnac) oo isaguna hadal ka soo jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ku ololeeyay in da’yartu ay ka qaybqaatan siyaasada dalka, waxaana u bogaadiyay mas’uuliyiinta ururkani wadaniyadda iyo waxyaabihii ay u qabteen bulshada muddadii ay jireen ayuu yidhi xildhibaanku.

Ugu danbayntii waxa ay shahaado sharafyo guddoonsiiyeen guddoomiyaha xisbiga UCID , Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Salebaan Axmed Guuleed, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.

waxa kale oo ay shahaado sharaf kale gudoon siiyeen shirkadaha iyo ashkhaasta hoos ku qoran:-

1. Faadumo Siciid
2. Shirkadda Alnuur Furniture
3. Shirkadda Somtel
4. Fanaanada Sahra Ilays
5. Jaaliyada reer Somaliland ee Jarmalka
6. Weriye Nimco Samriye
7. Weriye Hodan Abokor Xasan Caafi

Khadar Maxamuud Cismaan (Dhako)
Somaliland.Org/Hargeysa