Agaasimaha Wasaaradda Dibadda oo Shaaciyay 14 Baabuur oo Itoobiya ku xayirnaa oo la sii daynayo

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha wasaarada Arrimaha dibada, Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Itoobiya ay sii daynayso 14 Baabuur oo Somaliland laga leeyahay oo ku xayirnaa dalkaasi.

Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu tafaasiil ka bixiyay Gaadiidkan la sii daynayo, waxaanu yidhi “Waxa jirey gaadiid badan oo shacabka reer Somaliland leeyihiin oo dalka Itoobiya lagu qabtay siyaabo kala duwan iyi meelo kala duwan lagu qabtay, gaadiidkaas oo noocyo laka duwan isugu jira 24tan ilaa 2tan ugu yar yahay waxa lagu laka qabtay meelo kala duwan oo dalka Itoobiyaha qaarkood cashri cadaro qaarkoodna sharci ay siteen, waxaanay dalka Itoobiya ku xidhanaayeen mudo dheer qaarkood afar sano iyo badh ayay xidhnaayeen oo lagu heystay”.

“ Muddo waxaanu ka shaqeynaynay si gaadiidkaas loo siideyn lahaa oo mar walba cabashadii dadku na dultaalay maata waxaa suurta gashay in dawladii Itoobiya ay soo ogolaatay inay sii deyso gaadiidkaas, waxaanu rajeynaynaa in sida ugu dhakhsaha badan gaadiidkaas loo soo daayo, waxaanu gaadiidlayda Somaliland ee galaya Itoobiya waxaanu ku boorinaynaa inay sifo sharciya ku galaan si dhabaatadan oo kale aanay ugu dhicin” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faysal Cali Sheekh.

Gaadiidka ay leeyihiin shacabka Somaliland oo ku xaniban Itoobiya ayaa tiradoodu dhan tahay afar iyo toban baabuur sida uu sheegay agaasimaha wasaarada arrimaha dibada.

Yoonis Maxamed Jaamac
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com