Shirkadda TELESOM Oo Shabakadda Somaliland.Org ka Xidhay in Internetkeeda laga Booqdo

Waxa wax lala yaabo nagu noqday Markii si lama filaan ah shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM ay khadkeeda Internet-ka ka xidhay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo dadka isticmaala Inter-net-ka TELESOM aanay tahli Karin inay Booqdaan Mareegta Somaliland.Org.

Ma garanayno asbaabaha shirkada TELESOM ku dhaliyay inay khadkeeda Internet-ka ka xidho shabakadayada.

Tallaabadda TELESOM ayaanu u aragnaa mid taban iyo gabood fal badheedh ah oo ay ka galeen shabakadda Somaliland.Org iyo akhristeyaasheeda. iyadoo shabakaddani ay tahay Mareeg fahamsan ganacsiga isla markaana aan daabicin wax qoraal ah oo wax ka sheegaya shirkadda TELESOM iyo sharaa’iga kale ee Ganacsiga Somaliland-ba.

Way dhacdaa in TELESOM ay khadkeeda ka xidho in laga isticmaalo ama laga booqdo mareegaha wararka ee wax ka qora dhaliilahooda, hase yeeshee waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu jirin wax war ah ama aragti ah oo lidi ku ah TELESOM oo aanu baahinay.
Shabakadda Somaliland.Org uma xidhmayso khadka TELESOM ka xidhay, waxa akhristeyaasheeda dalku ay ka daalacdaan khadka Internet-ka ee shirkadda SOMTEL.

Ma jiro wax tafaasiil ah oo ay shirkaddaasi ka bixisay markii aanu ku war-gelinay arrintan, waxase aanu halkan ugu soo jeedinaynaa inay masuuliyiintoodu raali-gelin buuxda ka bixiyaan Talaabaddan khaldan ee ay qaadeen.

ALLAA MAHAD LEH
Cumar Maxamed Faarax

Tifaftiraha Guud ee Shabakadda Somaliland