Haddaan noolaado! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Qof waliba degdeggiisa wuxuu u egyahay mid ku socda ballan uu ka habsaamay ama shaqo laga sugayo. Dadku waxay u wada muuqdaan kuwo igu cusub, marka laga reebo dad tiro yar oo markay iga hor yimaaddaan aanu is-weji garanayno ama is-magac-dhebi karno.

Sababtoo ah, halka aanu joognaa maaha dalkii hooyo ee waa qurbe. Aniga oo baalla-daymoonaya, ayaan maqlay dhawaaq ii yeedhaya, “Barkhadoow, waryaa Barkhad!” Maskaxdayda oo markaa ku maqnayd dhugashada dadka iyo deegaanka kala duwan, ayaan garan kari waayay halka dhawaaqu ka baxay. Mar dambese, ayaan gartay in dhinacayga dambe layga yeedhay, markii aan ku jeestayna arki waayay qof aan garto oo ii yeedhay. Haddiiba aan iska jeestay oo aan mar kale ku mashquulay wixii markii hore maskaxdayda iyo indhuhuba ku maqnaayeen, haddana mar kale ayaan maqlay dhawaaqii! Jalleeco labaad baan ku celiyay dhinacayga dambe, mise waa wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanan hore u arag!.

Wuxuu xidhan yahay funnaanad gacmo dheer, surwaal jiimis ah iyo laba kabood oo aad duug u ah. Waxa dushiisa ka muuqata basaas. Dibintiisa iyo wejigiisana waxa iiga muuqatay raad ay ku reebeen waxaan u kala garan waayay belwad iyo gaajo. Wuxuu ku jiraa da’aha 25 jirka. Salaan ka dib, wuxuu ii bilaabay sheekooyin aan garanayo oo aad mooddo in aanu isla garanayno. Mar dambe ayuu garowsaday in aanan isagaba garanaynin, “Horta waan illoobaye, aan isu-kaa sheego malaha I garan mayside. Magacaygu waa Axmed, waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii habeen hore idinla joogtay.” Ayuu si aan xidhiidh ahayn u yidhi.

Goobtu waa magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya, goortuna waa 08 October 2012. Axmed waxaan waydiiyay halka uu ka yimi iyo ujeeddada uu halkan u joogo, “Waan xeraysanahay!” ayuu si fudud ii yidhi. Aniguna waxaan u qaatay in uu dugsiyada hoyga ah ee wax laga barto uu ku jiro oo uu waxbarasho u joogo. Balse wuxuu ii sheegay wax ka duwan. “Waxaan ka baxay jaamacad, waxaan bartay cilmiga koombuyuutarka. Aniga oo ka shaqaysta Burco oo hay’ad u shaqeeya, ayuun baan halkan u soo dhaqaaqay. Waxaan doonayaa in aan tahriibo.” Waxa isu-kay qaban waayay hadallada uu ii sheegay, nolosha aan imika ku arko in uu ku jiro iyo ta uu ii sheegay in uu ka soo baxay oo aan sawirtay!

Waanu is-raacnay oo waxaanu fadhiisanay meel makhaayad ah. Waxaan isku dayay in aan in uun ku qanciyo in tahriibtu waxay soo waddaa jirin, balse wuxuu ii bilaabay sheeko ka naxdin badan tii hore. “Saddex goor oo hore ayaan tahriibkan galay, mar walbana waxa layga soo qabanayay inta u dhaxaysa Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya oo dib ayaa lay soo celinayay. Imika waa markii afraad ee aan dib u noqonayo.” Ayuu yidhi, inta sidii qof harraaday uu kabbaday koobkii shaaha ahaa ee hor yaalay, ayuu hadalkii sii amba-qaaday, “Imika wax lacag ah ma haysto, saddex boqol oo dollar ayaan haystay, intiina waxaan siiyay dadkan xerada nagu xareeyay ee na dhaafinaya xuduudka oo imika waxaan biyo ku cabbo ma haysto! Marka aan Liibiya gaadho inta aan shaqayso waxaan ku raacayo doonta, ayaan ka bixi doonaa.”

Malahayga haddii wakhtigaa muuqaal nalaga duubayo ayuun baad cabbiri kari lahaydeen sida damiirkaygu u damqaday iyo murugda dabooshay wejigayga! Aniga oo aan nuuxsan, ayuu haddana hadalkii sii waday, “Imika dhibta ugu daran ee gaajada halkan nagu haysaba nagaga darani waxa weeye, habeen walba ilaalo ayaanu iska nahay oo dawladda Itoobiya ayaa na ugaadhsata. Macnahayga, ma ogola tahriibka oo xerooyinka aanu ku jirno ayaa lagu soo duulaa oo waxay damcaan inay na qabtaan oo dalka naga saaraan. Anaguna waanu is-qaybinay oo habeenka koox baa heeganka gasha oo ciidanka naga ilaalisa!”

Waxaan in badan ku dedaalay in aan isu-barbar dhigo geerida uu u badheedhayo iyo nolosha dalka taala – haba camal-la’aato’e, balse wuxuu iigu jawaabay erey aan la yaabay, “Maxaa afrika yaalla!” ayuu yidhi. Iska dhaaf in uu Somaliland ama geyi Soomaali ku qanco’e, wuxuu ka rejo-dhigay nolosha afrika.

Bal sawiro duruufta uu ku sugan yahay wiil dhalinyaro ah oo saddex cadow u dhaxeeya; gaajo, hammi qaldan iyo baqe xabsi! Aniga oo aan kelmad kale afkayga ka odhan, ayuu ii sheegay in uu u tegayo qof ay dalkii saaxiib ku ahaayeen oo uu rejaynayo in uu lacag yar ka soo helo, waanu iga tegay. Mar dambe oo maskaxdaydu mashquul awgii daashay, ayaan hoos u eegay miiskii noo dhaxeeyay, mise waa shaahii aniga lay dhigay oo labeentii caanuhu ku xargagtay, macnaha qaboobay.

Laba maalmood ka dib, aniga oo meel makhaayad ah oo jid dhinaceed ah fadhiya, ayaan halacsaday qof halkeer taagan. Waa Axmed oo la taagan nin qiyaasihii 40-jir ah iyo saddex caruur ah. Ma garanayo waxay isku ahaayeen, balse waxa ka muuqday xiise ay isu-qabaan. “Walaalo nabadgelyo oo aynu iska war hayno!” ayaan maqlay. Inta aan kacay, ayaan ku dhawaaday. Inta uu Axmed saddexdii caruurta ahaa u fadhiistay, si ay isu-dherer le’ekaadaan, ayuu laabta ku qabtay, wuxuu ku leeyahay ereyo maankayga damqay. “Walaalo caawa ayaan baxayaa, ma ogi waxaan la kulmi doono, laakiin haddii aan noolaado waan idinla soo hadlayaa!!” ilmo aanan indhahayga ku ogayn ayaan arkay oo dhabanayda dareeraysa. Waxaan doonay in aan la hadlo, laakiin intaan ereyadiisa qiimayntoodii ku mashquulsanaa, ayuu I dhaafay oo waan arki waayay meel uu u dhaqaaqay. Axmed imika ma ogi meel uu ku sugan yahay, kamana helin wax xog ah.

Waxa xanuun gaar ah igu reebay in isaga oo aan tahriibba gelin uu durba quus ka sii joogo nolosha oo rejadiisu u badan tahay in uu dhimanayo iyo in uu ‘HADDII’ geliyay noloshiisa, sababtoo ah marka uu leeyahay ‘haddii aan noolaado’ waxay iila muuqatay inay ka turjumayso quus.

Axmed waxa uu tusaale u yahay kumaankum iyo malaayiin dhalinyaro ah oo duruufo noocan ah iyo kuwo ka adagi ay ku haystaan daafaha dunida. Balse, wa’ayo cidda ay masuuliyaddaasi saaran tahay if iyo aakhiraba? In badan waa la ogyahay cidda ay masuuliyaddaasi saaran tahay, waxase ugu horreeya damiirka qofka tahriibaya oo ay tahay in uu wax qiimeeyo. Ilaahay u barya in uu dhibaatada ka saaro Axmed iyo dhalinyarada la mid ah ee dhibban.

F.G: Axmed maaha magaciisa rasmiga ah.

Barkhad M. Kaariye

Email: kaariye104@gmail.com

Web: www.kaariye.blogspot.com

Hargeisa, Somaliland.