Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Miisaaniyaddii ugu Balaadhnayd ee Somaliland Yeelato

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadii ugu badnayd ee qaranku yeesho ee 2013-ka oo Wasaaradda Maaliyaddu ay ku horkeentay Golaha xiligii uu sharcigu jideeyay.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa fadhiga ka soo xaadiray 44 Xildhibaan, waxa meel-marinta odoroska Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka ogolaaday 35 Xildhibaan, 6 Xildhibaan ayaa diiday, Laba way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn sidaasi ayay ku ansaxday Miisaaniyaddu.

Miisaaniyadda Sanadka 2013 waxay dhantahay 1,114,284,198,751 Sl.sh una dhiganta $185,714,033.

Miisaaniyaddu waxay ka koobantahay afar qaybood oo kala ah :-
1. Miisaaniyadda Dawladda dhexe 750,000,000,000 sl.sh una dhiganta $125,000,000
2. Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda Dhexe 215,127,269,668 Sl.sh una dhiganta $35,854,545.
3. Dawladaha Hoose 71,156,929,083 Sl.sh una dhiganta $11,854,488
4. Deeqda Sanduuqa Somali trust fund(Denmark & Britain) 78,000,000,000 Sl.sh. una dhiganta $13,000,000.

Miisaaniyaddan waxa ku jira mashaariic badan oo horumaineed oo ay ka mid yihiin bixinta darajooyinka ciidammada qalabka sida, horumarinta Waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta wadooyinka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo ansixinta miisaaniyadda ka dib u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa Golaha Wakiiladda uga mahad celiyay ansixinta miisaaniyadda oo Golaha Wakiiladu ay markii u horeysay maalmo kooban ku meel-mariyeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com