‘Dawladda Somaliland waxa ay ku Hambalyaynaysaa Dadkeeda Guushii Doorashada’

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku hambalyaysay shacbiga guushii ka soo hoyatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka hadlaya doorashada ayaa caddeeyey in ay dawladdu soo dhawaynayso natiijada ka soo baxday doorashooyinkii degaanada ee 28-ka bishii Nofembar, taasi oo ahayd doorashadii ugu dambaysay doorashooyinkii isdaba taxnaa ee soo maray Somaliland sida baarlamaanka, madaxweynaha iyo tii goleyaasha deegaanada ee 2002.

“ Waxa aan ku bogaadinaynaa guushii ay gaadheen dhamaan mudaneyaasha deegaanada, maayarada iyo badhasaabada, waxa kale oo aan ammaaneynaa intii kale ee waayay doorashada, balse tixgeliyay natiijada, isla markaana dhawray karaamada dalkani ku leeyahay geedi socodka dimuqraadiyadeed.

Sida uu sheegay warsaxaafadeedka dadka iyo dawladda Somaliland, waxa ay u mahadnaqayaan deeqbixiyeyaasha, ururadii hirgeliyay iyo goobjoogayaashii doorashada ee mar kale xaqiijiyay ballanqaadkoodii ahaa sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan adkeynta dimuqraadiyadda dalka, taasi oo uu xusay in ay taageerada maaliyadeed iyo farsamo ay muhiim u ahayd nabadgelyada iyo dhammaystirkii doorashada, isla markaana ay rajaynayaan inay taageerada noocan ahi hore ka sii socoto doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Waxa kale oo uu sheegay inay dhabbaha dimuqraadiyadeed ee Somaliland uu yahay tusaale ifaaya oo dimuqraadiyadeed oo dhaxal u ah dadka Geeska Afrika iyo qaaradda oo dhanba.

“Waxa aan aragnay inay doorashadani lahayd dhinacyo badan oo dhiirigelineed oo horumar ah sida ka qaybgalka isa soo taraya ee dhalinyarada iyo haweenka ee musharixiinta iyo codbixintaba iyo u adeegsiga habka garsoorka xalinta murannada doorashada.
Hase yeeshee marka ay sii durugto ku dhaqanka dimuqraadiyadeedba waxa si aan laga hortagi karin u soo baxaya loolanno cusub, oo u baahan inay dadkeenu u yeeshaan dhiiranaan iyo sidii ay wax uga baran lahaayeen arrimahaasi”.

Dhinaca kale, waxa uu warsaxaafadeedku ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan sidii loo hirgelin lahaa hab casri ah oo lagu diiwaangelinayo muwaadiniinta codbixinta oo wax ku ool ah si loo helo jiritaanka cod kasta. Taasi oo uu xusay in hay’adaha dawliga ah iyo ururada rayidka ahiba ay mar horeba bilaabeen sahaminta sidii arrintani looga dhabeyn lahaa.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa uu intaa raaciyay; “ Mar kasta oo doorashooyin laga gudbo ba, waxa si aad ah u caddaaneysa sida ay uga go’an tahay dadka Somaliland ballanqaadkooda ah degganaanshaha, amniga, dimuqraadiyadda iyo la dagaalanka xagjirnimada. Waxaana arrintaasi dhidibada u sii adkeeyay dadka Somaliland oo aaminsan in arrimahani oo laga gaabiyaa aaney ku ahayn oo keliya waxyeello koritaanka iyo horumarka dalka, balse ay sida oo kale ku keenayso dib u dhac dadaaladii beesha caalamka iyo dalalka jaarkaba sidii dib loogu dhisi lahaa nabadgelyada Geeska Afrika oo dhan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa