Ururka Haweenka ee Badar wanaag oo lacag caawimo ah ugu deeqay Caruurtii uu ka baxay Mujaahid Fanax

“Waxa xaqiiqo ah in Mujaahid Fanax qoys aanu ka bixin ee uu ka baxay qaranka Somaliland”
Suldaan Xiiray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay Caasimadda Hargeysa isla markaana ay ka soo qeyb galeen Odeyaal, Suldaano, Culi awdiin, Saraakil iyo Masuuliyiin magac ku leh Somaliland ayaa lacag Mucaawimo ah oo ay bixiyeen Ururka Haweenka ee Badar Wanaag ee Sabawanaag ugu deeqeen Caruurtii uu ka baxay ALLE SWT ha u naxariisteMujaahid Maxamed Xuseen Rooble (Fanax) oo ka mid ahaa SNM isla markaana ka tirsaana Ciidanka Qaranka Somaliland.

lacagtana loogu deeqay Agoonta oo dhameyd 2330-doolar ayaa Axmed Xuseen Illeeye oo isaga ah Masuulkii lagu soo hagaajiyey lacagtaas muwaaciwinada ah oo ugu horeyn isagu halkaas ka haday ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Halkan waxaan ku haya lacag dhan 2330-doolar,Lacagtaas waxa soo diraya Ururka Haweenka ee la yidhaahdo Badar Wanaag,oo ah reer Sabawanaag,kuwaas oo degan Loden iyo Biristool, waxayna u soo diireen Agoontii uu ka tagay ALLE ha u naxariiste Maxamed Xuseen Rooble (fanax),dadkii lacagtaas u soo direy Ogaantiina ILLAAHAY ha ka abaalmariyo, waanu u ducaynaynaye”.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geystay lacagtaas tabarucaadka ah ee ay Ururka Haweenka ah ee Badar wanaag ugu deeqeen Agoonta uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Mujaahid Maxamed Xuseen Rooble (Fanax), waxaanu yidhi “Culimada, Saraakisha Qaranka, Cuqaasha,Odeyaasha Dhaqanka, waxaan idinku salaamaya salaanta islaamka, intaas ka dib Maanta waxaanu iskugu nimid arin qaaliya, oo aad u qiimo badan taas oo aynu waliba halkan ka tacasiyadaynayo Janankii inaga baxay ALLE ha u naraxriiste oo dhab ahaana dalka iyo qaranka Somalilandba ka baxay, waxaana xaqiiqo ah in aanu qoys ka bixin ee uu ka baxay qaranka Somaliland, halkan waxaan uga mahad celinaya Ururka Badar Wanaag, oo ka soo jeeda Degmada Sabawanaag, ee agoonta soo gaadhsiiyey deeqdaas lacagta ah, iyaga oo ka soo ururiyey jeebkooda, una soo direy caruurta agoonta ah, waxaana leeyahay ILLAAHAY miisaanka xasaanadkiina ha idinku daro.

maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay ILLAAHAY danbigina ha ku dhaafo, wax wanaagsan ayaad soo dirteen, agoon ayaad u soo dirteen, Guriga yar ee aanu u nab nabeeynayey agoonta dadka qurbaha jooga meelkasta oo ay joogaba dad badan ayaa waxa u soo direy, maalintii ugu danbeyaysayna waxa a yidhi 5000-kun iyo dhawr boqol ayaa guriga ka hadhsan, maantana waxa gacanta lagu haya 2330-doolar,waxaana leeyahay hablahaas ay ugu horeysayo Qadan Maxamed Ismaacil iyo hablaha Jaahliyada ee reer Badar Wanaag ee Saba wanaag halkan mahad ayaan uga celinaya.

Tafatiraha weyn ee Maxamed Jaamac ee Qaran News isagana si gaar ah ayaan uga mahadcelinaya, waxaan isagana halkan uga mahadcelinaya Maxamuud Xuseen Ileeye, oo Nin weyn ah oo isaguna ka tirsan Jahliyada Saba wanaag, cidkasta oo wax tartay iyo cidkasta oo wax la qabatay Ogoonta waan u mahadcelinaya dalka gudihiisa ha joogta ama dalka dibadiisa ha joogtee, waxaana ILLAAHAY ugu baryaya inuu u gar gaaro, waxaana wax yar ee dhiman ka codsanaya meelkasta oo uu codkaygu gaadho, in agoonta yar yar guriga loo soo dhameeyo, mar jagada la iibiyey, mar seeska la dhigay, mar jaajuurka la sameeyey, waxa keliya oo maanta dhimani waa laba kun iyo wax yar marka intaasna u soo dhamaystira ayaan dhihi lahaa dalka gudaha iyo dadka dalka dabadiisa joogaba, nin wallba oo ubadkaas ka naxayna waxaan leeyahay soo caawi”.

Maxamuud Koosar oo isna munaasibada ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey cid kasta oo gacan ka geystay lacagtaas loogu deeqay Caruurta yar yar ee agoonta ah, waxaanu ka waramay ajarka ay leeyihiin dadka agoonta caawiya, Guddoomiye Maxamed Faarax Caynaashe oo isna Munaasibada hadal ka soo jeediyey ayaa mahadnaq balaadhan oo aan soo koobi karin u direy dadkii soo caawiyey agoonta, waxaanu dhiirigelin balaadhan u soo jeediyey shacabka reer Somaliland oo uu ka codsaday inay caawiyaan oo ay wax u taraan caruurta agoonta ah ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Mujaahid Fanax, Caqil Yuusuf Cali Maxamed iyo Garaad Cali oo iyana halkaas ka hadlay ayaa hadal dhiirigelin, amaan iyo dardaraan iskugu jira ka soo jeediyeen.

waxayna u duceeyeen dadkii gacanta ka geystay caawinta agoonta, wax isna halkaas ka hadayl Xuseen Rooble Dubad oo ah aabaha dhalay Marxuum Mujaahid Maxamed Xuseen oo dadkii iyo ururka Badar wanaag uga mahad naqay sidii qiimaha badnayn ee ay u soo xuseen caruurtii agoonta ahayd ee uu ka baxay Mujaahid Fanax