Murashax Hadhay Oo Ammaanay Hanaankii ay u dhacday Doorashadii Deegaanku

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Mid ka mid ah Musharaxiintii laga guulaystay ee Golaha Deegaanka Caasimadda uga sharaxnaa Ururka DALSAN oo hambalyo u diray golaha deegaanka cusub, isla markaana dardaaran ujeediyay musharaxiintii kale ee iyaguna ku hadhay tartankii doorashada.

Eng. Axmed Ibraahim Cilmi ayaa sidoo kale hambalyo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku amaanay hirgelinta furista ururrada siyaasadda.

Eng. Axmed Ibraahim Cilmi oo qoraal uu soo gaadhsiiyay shabakadda Somaliland.Org ayaa tilmaamay in qiimo xorriyadeed inoo lahayd tartankii doorashada goleyaasha deegaanka ee bishii November ka qabsoontay dalka. Waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:- “Anigoo ka mid ahaa murashaxiintii Golaha Deegaanka Hargeysa ee urur siyaasdeedka Dalsan magacayguna yahay Eng Axmed Ibraahim Cilmi, kana mid ahaa kuwii dhacay ee laga badiyey waxaan halkan mahadnaq diiran uga dirayaa #M Madaxwaynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo runtii aan abaal wayn u hayo, kaasoo ah Madaxwaynihii ugu horeeyey ee noo furay ururrada siyaasadda si aanay cidina ugu marmarsoonin waa lana cabudhuyey, ururo ayaanu furan lahayn ama musharaxiin gole deegaan baanu noqon lahayn.

Haddaba mar haddii aanay jirin cid ku marmarsoonaysa xorriyadii siyaasadda iyo nidaamkii ururrada badan waala cabudhiyey, haddaba yaan lagu mrmarsoonin waala iga badiyey ilayn haddii tartamo cid uunbaa badisa,cidna waa laga badiyaa.

Waxa kale oo jirta qiimaha iyo xorriyada ay inoo lahaayeen ururo furisto waa mid aan la qiyaasi Karin, taasoo ah jaanis aan dibloo helayn cida aan weli dareensanyna ay dareemi doonta maalin dhow marka la gaadho doorashada baarlamaanka iyo ta dambe ee golaha deegaankaba, markaa saddexdaa xisbiba ku yidhaahdaan way buuxaan musharixiintayadu ee aad waydo meel kale oo aad u ciirsato, oo aad latagto hankaagii musharaxnimo, runtii anigu Madaxweynaha waxaan leeyahay cimrigii jiryoow caynaanka hay waligaa hay, waxa kale oo aan halkan hambalyo uga dirayaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibeda, Wasiirka madaxtooyada Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Dhamaan masuuliyiintan qaran oo aan anigu si gaar ah ula socday feejignaantooda oo runtii, habeen iyo maalintoona aan kaseexaninArrimaha nabadgelyada horumarinta iyo ilaalinta sumcada iyo sharafta dalkan.Waxa kale oo aan Halkan si gaar ah u hambalyeynayaa labada gole deegaan ee gabilay iyo Hargeysa oo si fiican oo aan qabyaalad iyo xisbi jeclaysi midna ahayn u doortayMaayarada iyo maayar ku-xigeenada.

Waxaan halkan dardaaran u marinayaa xubnihii kale musharixiinta ahaa ee dhacay oo aan leeyahay tusaale waxaad ka dhigataan maalintii 2003 bishii shanaad ee Madaxwaynaha.” hada talada hayaa lagu yidhi 80 codbaa lagaaga helay ee uu yidhi waan aqbalay, isagoo markaa kursi Madaxwayne doonaya, imikana inaga waxa la inaga helay waa kuraasi gole deegaan, haddaba waxaa loo baahan yahay inaad wada hanbalyeysaan saaxiibadiina soo baxay inaguna albaabkii siyaasada ayeynu isasoo taagnaye waxaa nin walba looga baahanyahay inuu dadaalo oo uu isku dayo sidii uu hore ugu sii gudbi lahaa oo aynaan ku mashquulin waa la igaga shubtay, waa la ikhiyaameeyay iyo wixii la mid ah.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com