Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka jaray waddo Laami ah oo laga hirgeliyay xaafadda Daami

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo laami ah oo isku xidhaysa Xaafadaha Daammi,Sh Nuur ilaa Suuqa Dhexe ee Caasimadda Hargaysa, halka sidoo kalena uu Madaxweynuhu dhagax dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga yagleeli doono Xaafadda Daami.

Madaxweynaha waxaa xaafadda Daami ku soo dhoweeyey boqolaal ka mid ah dadweynaha xaafaddaasi oo isugu jira madax dhaqameed, siyaasiyiin, dhalinyarada iyo haweenka.


Munaasabad kooban oo ka dhacday goobta laga dhisi doono saldhiga Booliska ayaa waxaa ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo sheegay in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyey ee soo booqda xaafadda Daami, laamida maanta xadhiga laga jarayna uu yahay wadadii uu horaysay ee Laami ah ee xaafaddaas laga hirgeliyo.

Md Barkhad waxa kale oo uu uga mahadnaqay shirkadda ganacsiga guud ee Al-Nuur oo ah shirkadda bixinaysa dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha saldhiga cusub ee xaafadda Daami, waxuuna intaa raaciyey in cabashadii xaafadda Daami ka jirtay ay halkaa ku soo gebagebowday ballanqaadadii xisbiga Kulmiyena u qaaday xaafaduna ay kuwaa ahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisa xaafadda Daami ay ku weheliayeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha iyo Madaxtooyada iyo taliyayaasha sare ee ciidamada Booliska iyo Asluubta ayaa kulan la yeeshay dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee caasimadda hargaysa, waxaana halkaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Degmadaasi Saleebaan samatar Ibraahin iyo afhayeenka gudida horumarinta degmada Gacan Libaax, Maxamed Muuse Habbane.

Madaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey Dadweynaha xaafadda Sh Nuur ayaa sheegay inuu aad ugu farxay sida ay dadweynaha xaafaddu isu abaabuleen ugana shaqeeyeen danta caamka ah, halka sidoo kalena Madaxweynuhu sheegay in dhamaystirka wadadani ay waxtar weyn u tahay xaafadda Sh Nuur, iyo caasimadda Hargaysaba iyo guud ahaan dalka Somaliland.


Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan buuxda la dhinac istaagto dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee go’aansaday inay danahooda horumariyaan, waxuuna madaxweynahu munaasabadaasi si weyn ugu mahadceliyey Mayorkii iyo maamulkii hore ee DHH sida ay guud ahaan xilka isaga saareen horumarinta waddoyinka caasimadda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com