Gudoonka Waxbarashadda Buuhoodle oo ka warbixiyay xaaladda waxbarashada

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Buuhoodle Md Cabdirisaaq saleebaan Aadan (John) ayaa maanta ka warbixiyey xaaladda waxbarasho ee Gobolkaasi.

Md Cabdirisaaq Saleebaan oo isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle u waramayey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in shaqaalahii waxbarashada ee Buuhoodle ay qayb ka mid ahi yimaadeen Magaalada Burco isla markaana ay hay’adda shaqaaluhu halkaa ku tiro koobtay xubno yar oo hadhayna ay u ambabaxeen dhanka magaalada laascaanood si ay halkaa ugula kulmaan kormeerka Hay’adda shaqaalaha Dawladda.

Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Buuhoodle waxa uu sheegay in hadda ay gobolka ka soo gebagebeeyeen qaaditaankii imtixaankii Midtearam-ka maalinta axaddana uu iclaamin doono fasaxii dhexe ee xili tacliimeedka 2012-2013. Waxana uu ka dalbaday xukuumadda Somaliland in ay deegaanka soo gaadhsiiso waxyaabahii loo ballanqaaday gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Somaliland.Org/Hargeysa