Golaha Wakiiladda Oo Ku Qancay Miisaaniyadda 2013-ka ee Wasiir Samaalle Horgeeyay

Hargeysa (Somaliland.Org)0Golaha Wakiiladda ee maanta ay mudanayaashu su’aalaha ku weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayay dhamaan Mudanayaashu ku bogaadiyeen wakhtiga uu Miisaaniyadda keenay, isla markaana waxay si isku mid ah ugu Hambalyeeyeen qaabka uu u soo dhigay oo aan hore loogu arag Miisaaniyadihii Dalka soo maray.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen Mudanayaal badan waxa uu ahaa mid aad u xiiso badan, isla markaana su’aalaha ay labada dhinacba u bixinayeen si degan oo daran doori ah, waxaanay ahaayeen kuwo ay isku weydaarsanayeen si Anshax iyo Asluubi ku dheehan tahay, waxaanay mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ku tiraabayeen Maadaama Wasiirka Maaliyaddu hore Golaha uga tirsanaa inuu ka sii gaashaantay dhaliilihii ay Wasiiraddii hore la shir iman jireen.

Iyagoo taas ka duulayana waxay u arkayeen wasiir Samaale inuu cashar anfacay ka qaatay mudadii uu Golaha Wakiiladda Guddoomiyaha ka ahaa isla markaana uu ku soo saleeyay Miisaaniyaddiisa baahiyihii ay wada dareemayeen wakhtigii ay dhinac uga soo wada jeedeen Miisaaniyadaha.

Ma jirin hal Xildhibaan oo fadhigii maanta Wasiir Samaale ka waayay jawaan qancisa kadib markii ay dhinac walba ka eegeen Miisaaniyadda, walow ay intooda badani jeclaayeen in duuduub lagu Ansixiyo hadana su’aalahoodu may ahayn kuwo sahlan waxaanay soo ban-saareen dhaliilo ay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddu ku talaabsadeen.

Si kasta ha ahaatee Miisaaniyaddan oo ah tii ugu horaysay ee Wasiir Samaale soo bandhigo mudadii koobnayd ee uu xilka hayay waxa ay u arkayeen isla markaana ku qanacsanayeen Horumarka balaadhan ee laga filayo inay dalka ku soo kordhin karto, gaar ahaana dhinacyada ay danaynayeen waxa ka mid ahaa Mashaariicda Horumarka loogu talo galay sanadkan, shaqwo abuurka, Dalacsiinta Ciidamadda qaranka iyo darajadooda.

Somaliland.Org/Hargeysa