Xaflad Loo sameeyay Dib u magacaabista Badhasaabka Maroodi-jeex oo lagu qabtay Hargeysa

Hargeysa(Somaliland.Org) Xaflada Balaadhan oo casho sharaf ah oo lagu soo dhaweynayey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) ayaa Xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magalada Hargeysa.

Xafladan lagu soo dhaweynayay Guddomiyaha Cusub ee gobolka maroodijeex ayaa wax ka soo qaybgalay Guddomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxmed Kaahin Axmed, Wasiirkii hore ee Wasarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Odey, Salaadiin, Aqoonyahano, haween, Iyo Dhalinyaro.

Suldaan Maxamed Siciid Maxmed oo ugu horeyn xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in munaasibadan Casho sharafta ay tahay mid lagu soo dhaweynayo badhsaabka gobolka Maroodijeex. Waxanu yidhi.“Runtii aad ayaanu ugu faraxsanahay in aad nagala soo qaybgashaan Xafladan aanu ku maamusayno Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Xassan (Xamarji) oo Jagadiisii ku soo noqday, runtii aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin Martidiinan xaflada Timid, Horta Qalad wuu dhacaa, qaladkii dhacayna Maxkamadihii Way saxeen, kadiban Meeshisii ayaa lagu celiyey, Lakiin Maxkamadii rafcaanka ee dalku sidii saxa ahayd ee aynu rajaynayney ayey Xukunkii u dhacay oo waatii la siidayey Guddomiyaha, anagu mar aanu la kulanay madaxweynaha Somaliland waxanu ku nidhi waa in uu helaa maxkamad a caadil ah maxkamadiina wuu helay, kadiban madaxweynuhu wuxuu nagu yidhi haddii wax lagu waayo halkiisa ayaanu ku soo celinayaa waanu ku soo celiyey.”

Dr.Axmed Xaashi odey Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ina halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in ay xafladani ay tahay mid lagu hambalyeynayo Badhsaabka Cusub, isaga oo sheegay in Xamarji yahay nin dalkiisa hore wax wey ugu qabtay oo u soo halgamay, Wax kale oo uu Hoosta Ka xariiqay in uu aaminsan yahay in uu Xilkaasi ka soo baxay Badhsaabku, oo uu sheegay in uu yahay nin karti leh, waxanu u soo jeediyey in uu iska Ilaawo Wixii mudadii uu xidhnaa Soo maray.
Marwo Malyuun Xaaji Maxmed oo iyaduna Hadal ka jeedisay Xafladaasi Casho Sharafta ahayd ayaa waxay u Hambalyesay Badhsaabka oo ay Tilaamatay in uu ka soo bixi doono Hawsha Qaran ee loo Egmaday.

Maxmed Kaahin Axmed oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu Aminsan yahay in Guddomiyaha Gobolka Maroodijeex uu Xilka loo magacaabay mar labbaad uu yahay nin ka soo baxaya, waxanu tilmaamay in Xamarji iyo Agaasimihii la xidhnaa ay hawlo badan oo qalafsan ay soo mareen intii ay xidhnaayeen, balse markii la soo dayey waraysigii ugu horeyey ee ay bixiyeen uu ahaa mid ka turjumayey dadnimada fiican ee ay lahayeen.

“Anigu Koley Qoladan Xamarji la dardaarmaysa ma ahi, waayo waan Aaminsanahay waan rumaysnahay in Xilkii uu Shallay hayey ee Maantana dib loogu magacaabay in uu ka soo baxayo.”Ayuu yidhi.Maxmed Kaahin.

Wax kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Axmed Cilmi Barre Agaasimihii hore ee wasarada Dib udajinta ee la xidhay, waxanu ka warbixiyey wax yaabihii ay kala kulmeen Jeelka intii ay ku xidhnaayeen, waxanu u mahad celiyey dadkii Garabakooda taagna mudadii ay xidhanyeen.
Gabogabadii wax hadal Dhincayo badan taabanaya ka jeediyey Munaasibadaasi Badhsaabka Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar (Xamarji) waxanu u mahad celiyey dhammaan dadkii garabkooda taagna mudadii ay xidhanayeen, waxanu xusay in loo bahan yahay in gacmaha layswada qabsado oo danta dalka dhinca looga soo wada jeesto. Gabogabadii wax la gudoonsiyey Shahaado sharaf lagu maamusay Badhsaabka gobolka maroodijeex.

Somaliland.Org/Hargeysa