Madaxweyne Somaliland Oo Caawa Kulan la Yeeshay sadexda Xisbi Qaran ee Soo Baxay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xarunta Madaxtooyadda casho-sharaf ugu sameeyay Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee soo baxay KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Kulankan Madaxweynuhu la yeeshay Hoggaanka sadexda xisbi qaran ayaa lagaga wada hadlay sidii ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu u yeelan lahaayeen xidhiidh joogto ah, isla markaana ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha qaranka.

Kulankan ayaa markii uu dhammaaday waxa Saxaafadda uga waramay Guddoomiyeyaasha Sadexda Xisbi Qaran, kuwaas oo faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay Madaxweynaha ka wada hadleen, waxaanay sheegeen inay isla qaateen Madaxweynaha iyo Xisbiyadu sidii ay danaha wadanka uga wada shaqayn lahaayeen, isla markaana ay u yeelan lahaayeen kulamo joogto ah oo ay kagaga wada socdaan xaaladaha dalku marayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlay ujeedada kulankaasi, ayaa waxa uu sheegay inuu kulankani ahaa kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan Madaxweynaha intii ay soo bexeen sadexdan Xisbi qaran, waxaanu xusay inay Madaxweynaha isla qaateen inay ka wada shaqeeyaan danaha qaranka, isla markaana ay samayn doonaan kulamo kale oo joogto ah, si ay uga wada socdaan wixii hawlo ah ee markaasi jira.

Eng Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxweyanaha Somaliland ayaa waxa uu noo sameeyey Casho, taas oo ahayd Doorashadii aynu ka soo baxnay ee aanu ku guulaysannay, waxaanu ka wada hadalnay sidii aynay inaga wada jir ah u yeelan lahayn kulamo joogto ah ee aynu uga wada tashan lahayn arrimaha guddaha iyo dibeddaba, doorashadiina waxay inoogu dhamaatay guul.”

“Waxaanu soo dhowynaynaa Xisbi ahaan in wixii la wada leeyahay ee danaha umaddeena ah uga wada tashan lahayn, waxaanau rajaynaynaa inaanay cash shafartani noqonin tii ugu dambaysay,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay Madaxweynaha kulankaasi casho sharafta ah la yeesheen oo ay kaga wada hadleen sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaanuu yidhi “Waxaanu leenahay Ururradii hadhay waxaad ku samirtaan waxaad codadkiinii ku dhisteen dalkinii.”

“Waxaanu xisbi xaakim ahana ballan qaadaynaa wada tashi iyo wada shaqayn, si aynu danaha qaranka uga wada shaqayn lahayn, Xisbiga WADDANI waanu ku soo dhawaynaynaa oo soo galay halkii UDUB, waxaana hogaaminaya rag aanu in badan soo wada shaqaynaynay oo is fahmi kara oo is qaban karaya, mararka qaarkood inaynu waxyaabaha qaar mucaarid iyo muxaafidba ka midawno, annaga waxaan leeyahay waad naga helaysaan oo ah wada tashi iyo soo dhowaynba,”ayuu yidhi Gudoomiye Muuse Biixi.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen xidhiidh, waxaanu sheegay in Xukuumadda looga baahanyahay sidii ay u samayn lahayd kulamo joogto ah oo ay yeeshaan Xisbiyada.
“Waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland oo casho sharaftan uu noo sameeyey, waxaanu uga mahad naqaynaa, in badanna waynu ka midaysan nahay oo ay ka mid tahay midnimada qaranka, waxaan u mahad naqayaa Ururradii tar tamay ee aan ka mid noqonin Sadexda Xisbi Qaran, waxaanay taas ku ilaawayaan inay Somaliland guulaysatay,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.


Md. C/Raxmaan Cirro oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Waxaan ILAAHAY uga baryayaa dhammaan intii inaga dhimatay Doorashadii, waxaan leeyahay murashixintii tar tamaysay ee sababay inay soo baxaan sadexda Xisbi qaran, waxaan leeyahay codkiinii waxaad ku soo saarteen Xisbiyada qaranka, waxaan leeyahay inay naga dadaal badnaayeen ayaan qabaa, in kasta oo aanay iyagu guulaysan laakiin Somaliland ayey guul ka heleen, Xisbul xaakimka iyo Xukuumadda waxa looga baahanyahay inay sameeyaan wada tashi.”

Kulankan waxa goob joog ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, Daakhiliga, Maaliyadda iyo Gaashaan-dhiga, waana kulankii u horeeyay ee xukuumadda iyo xisbiyadda soo baxay yeeshaan tan iyo markii dhawaan la shaaciyay Natiijadii doorashadda deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii bishii November 2012-ka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com