Maayar & Maayar Ku xigeen Cusub oo Loo doortay Degmadda Gar-adag

Gar-adag (Somaliland.Org)- Golaha deegaanka degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, ayaa maanta doortay maayar iyo ku-xigeen, ka dib kulan ay yeesheen.

Kulanka Golaha deegaanka oo goob-joog uu ka ahaa badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Geeljire, ayaa waxa ku sugnaa dhamaanba 12 xildhibaan ee uu Golahaas ka kooban yahay , waxaanay cod gacan taag ah ku doorteen laba masuul oo cusub.

Maayarka Gar-adag waxa loo doortay Faarax Aadan Ciise oo ka soo baxay urur siyaasadeedkii Rays iyo Yuusuf Cabdi Axmed oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye, waxaana ay guulaysteen ka dib loolan adag oo ay ku muquuniyeen xubno la tartamayay.

Somaliland.Org/Ceerigaabo