Jaamacadda Burco oo Xaflad Soo dhaweyn ah u samaysay Golaha Deegaanka ee cusub

Burco(Somaliland.Org)- Jaamacadda magaalada Burco ayaa maanta kulan u qabtay xildhibanada Golaha Deegaanka ee Degmada Burco, waxaana kulankaas oo ka qabsoomay xarunta jaamacada Burco ka qaybgalay masuuliyiin Jaamacadaas arday macalimiin iyo aqoonyahan tiro badan.

Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, kaasoo sheegay in muhiimada kulanku uu yahay mid jaamacad ahaan ay ku soo dhawaynayaan xildhibanada cusub, isla markaana ay ugu jeedinayaan dardaaran xoog leh oo la xidhiidha dhinaca horumarinta degmada laga soo doortay. “Dardaarankayga aan idin farayaa waxa uu yahay haddii aad tihiin Xildhibanada Golaha Deegaanka ururro ayaad ka soo baxdeen qaarkiina maanta xisbiyo ayay u gudbeen ururradii aad ka soo baxdeen sidii muuqatay reero ayaad dhinaca kalena ololayaal soo galiseen, dano gaar ah ayaa jira tii deegaanka ayaa jira intaas sidii loo heshiisiin lahaa in laga garnaqo ayaa loo baahanyahay.”

Sidoo kale waxaa iyaguna kulankaas ka hadlay qaar ka tirsan ardayda iyo hormoodka kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Burco, kuwaasoo u soo jeediyay xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco inay noqdaan kuwo daacad ah oo ka hawlgala horumarinta deegaankooda, isla markaana noqda kuwo midaysan oo leh siyaasad horumarineed oo jaan go’an.

Dhinaca kale, Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco oo ay hor kacayeen Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Muxumed Jaamac Xasan ayaa uga mahad-celiyay masuuliyiinta Jaamacadda Burco kulanka ay soo agaasimeen, isla markaana ballan-qaaday inay tixgelin doonaan talooyinka ka soo maaxda aqoonyahanka Gobolka Togdheer.

Maayarka cusub ee Degamada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday in sida ay xilligani muhiimka u tahay horumarinta Degmada Burco, isagoo xusay inaanay ka hakran doonin wixii karaankooda ah bulshada soo dooratay oo haatan ah mid iyadu ka sugaysa waxqabad dhianacyo badan ah.

Maayar ku-xigeenka Degmada Burco Muxumed Jaamac Xasan ayaa isna sheegay in halku dhega ay sannad ku wada hawlgalayaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Burco uu yahay midnimo iyo isku xidhnaan ay taaba-galiyaan dhamaystirka hawlihii ka qabyoobay maamulkii hore ee dawladda hoose iyo waliba bilawga ka dhabaynta ballan-qaadyadii bulshada ee xilligii ololaha doorashada Golaha Deegaanka lagu jiray.
Kulankaas ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ku horyimaadeen qaybo ka mid ah Bulshada Gobolka Togdheer, isla markaana kaga dhagaysanayeen talooyinka dadka ee ku aadan horumarka iyo waxqabadka.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibanada Dawlada Hoose ee Degamada Burco ayaa todobaadkan si hagar la’aan ah uga fuliyay magaalada Burco olole nadaafadeed oo balaadhan, taasoo la arkayay xildhibanada oo gacmahooda ku gurayay qashinka buux dhaafiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Burco.

Somaliland.Org/Burco