Agaasinka waxbarashadda gaarka ah oo ka warbixiyay waxqabadka xafiiskooda

Hargeysa (Somaliland)- Agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Muuse Maxamed Shide, ayaa ka warbixiyey xaladda waxbarashada gaarka ah ee Somaliland.

Agaasimaha oo warbaahinta ugu waramayay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey wax-yaabaha u qabsoomay mudadii uu agaasimaha ka ahaa xafiiskan ,isagoo sheegay in uu xafiisku jirey muddo laba sano ah,mudadaasna ay tiro koob ku sameeyeen dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwo sare iyo kuwo hoose dhexe, tiradooda iyo waliba magacyadooda, ardayda dhigata , macalimiinta sadexda gobol ee maroodi-jeex awdal iyo togdheer islamarkaana sheegay in ay gobolada kalena tiro koobka ka samayn doonaan sanadan fooda inagu soo haya.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in ay dugsiyada gaarka loo leeyahay isugu jiraan kuwo imtixaanadka la gala dugsiyada dawlada, halka kuwa kalena ay hoos-tagaan wadamada ay manhajkooda qaatan.

Muuse Maxamed Shide, wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan kaalmooyin dibadda laga soo qaado in waxloogu qabto dad danyar ah ama guryo loogu dhiso oo dugsiyo lugu dhistay,islamarkaana ay og yihiin halka ay ku yaalaan iyo halka laga keenay.

Agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashadu waxa uu aad ugu mahad naqay Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu tilmaamay in ay tahay masuulkii ay wasaaradaasi u baahnayd oo wax weyn ka qabatay mudadii ay joogtay wasaaradda.

Xuseen Cabdi Muxumed Xarbi