Wefti Wasiirro ah Oo Saylac u Jooga Is-mariwaa ka dhashay doorashadda Maayarka cusub

Saylac (Somaliland.Org)- Waxa caawa fiidkii gaadhay magaalada Saylac ee Wefti i ka kooban 7 xubnood oo isugu Wasiirro iyo xildhibaano guurtida ah, isla markaana uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan, kuwaasi oo degmada Saylac u yimid si ay wax uga qabtaan is mari waa ka taagan doorashada Maayarka cusub ee Golaha deegaanka.

Wasiirku xigeenka Waxbarashada Md Cali Xaamud Jibriil oo ay saxaafadu wax ka waydiisay ujeedada safarkooda ayaa ku tilmaamay u-kuurgalida xaalada degmada Saylac ee dhinacyada nolosha, iyo siyaasada.

Wasiirku xigeenku waxa uu sheegay inay saylac u yimaadeen inay la kulmaan xildhibaanada Walaalaha ah waa sida uu hadalka u dhigayo’e ee isku maandhaafay doorashadii Saylac “ Waxaan u nimid inaan walaalayno, Saylacna laga dhiso dawlad degaan oo wada jir ah oo loo dhan yahay ayuu yidhi

Wasiir ku xigeenku waxa uu waxba kama jiraan iyo boro-bagaando ku tilmaamay wararka sheegay in weftigani Saylac u tagayo inay kala furfuran 10ka xildhibaan ee degmadaasi dhawaan ku doortay Maayarka iyo ku xigeenka waxana uu yidhi “ waxaasi waa wararkii suuqa, waxba kama jiraan, waxa aan qabanayno oo dhan saxaafada ayay u muuqan doonaan, bari ayaan u wada joognaa sidii arintan loo dhamayn lahaa, waan dhaarinaynaa xildhibaanada, waanay dooranayaan hogaanka ay iyagu isku raacaan.

Todobaadkii hore ayay 10 xildhibaan oo ka mid ah 17 Xubnood ee Golaha deegaanka Saylac ay fadhi ay yeesheen waxay ku doorteen Maayar iyo Ku Xigeen. Taasi oo xiisad ka abuurtay magaaladda Saylac todobaadkii u dambeeyay. Waxaana Maayarka ku hirdamaya laba beelood oo halkaasi wada degan hase yeeshee ku kala tiro badan Golaha Deegaanka ee la soo doortay.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame