“Waxaan ku hambalyeynayaa Jaaliyadda Birmingham Inay Xaliyeen khilaafkii dhexdooda”

London (Somaliland.Org)-Gudoomoyaha Qurbajooga & Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland ee UK Abdiraxman Ali Ubaxle ayaa Jaaliyada Somaliland ee Degan Birmingham iyo nawaaxigeeda ugu hambalyeeyey is afgaradka ay ku xaliyeen khilaaf ka dhex aloosnaa in mudo ah qaybo ka mida Jaaliyada oo isku maandhaafsanaa maamulka jaaliyada Somaliland ee Birmingham, khilaafkan oo sababy in ay gaabis noqoto shaqada jaaliyada iyo wax wada qabsiga shacabka reer Somaliland ee degan magaalada Birmingham balse ugu danbayn xalilmay gacmahana la isku qabsaday.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in jaaliyada Birmingham wax garadkeedu ay si wada jira uga hawl galeen sidii loo dhamayn lahaa loona daweyn lahaa khilaafka jira si jaaliyadu isugu duubnaato isagoo sheegay in aan laga maarmi karin hal qof oo Somalilander ah oo inaga maqan wax wada qabsigeenuna uu qabyo noqonayo inta aynaan midaysnayn meel aynu joognaba sidaa darteed laga wada shaqeeyo isku duubnaanta iyo turxaan bixinta qof kasta oo wax saluugana la qanciyo.

Gudoomiye Ubaxle wuxuu aad ugu mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay xalinta khilaafkan isagoo dhinaca kalena sheegay inuu isaguna dedaal badan u galay sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo caqabad ku ah wada jirka walaalaha Somaliland isagoo sheegay in cadawgeenu badan yahay kana faaiidaysto khilaafka yar ee dhexdeena ah markaa waa in aynu isku duubnaano oo diidno in cadawgu helo meel uu inaga soo galo.

Ugu danbayn wuxuu gudoomiyuhu ugu baaqay jaaliyadaha Somaliland meel ay joogaanba inay isku duubnaadaan oo wada jiraan ilaaliyaana tacabkii loo soo galay Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, waa in ay qiimo inala yeelato kumanaankii mujaahid ee naftooda inoo huray iyo malaayiinkii hantida ahaa ee ku burburay sida aynu u noqon lahayn shacab isku duuban oo leh dal iyo calan maantana waynu haynaa midhihii laga dhaxlay halgankii dheeraa ee aynu ku waynay naf iyo maalba ee waa in aynu si wada jira u ilaashanaa wax kastana ka hor marinaa isku duubnaanteena iyo ilaalinta qarankeena inagoo tabasho kasta u marayna jidka ku haboon oo aan waxba inagaga xumaanayn cadowgana farxad u noqonayn, xaga tartanka Siyaasadeena yuu inaga duwin milgihii iyo haybadii aynu lahayn cadaawad lagu kala tegayona yaan loo qaadan ee Siyaasiga dhacaa ha isku qanciyo in beriba uu tartami karo taageerayaashiisana ha kula taliyo in aanay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland ku bedelan maalin la guul daraystay guul daradana sida siyaasiyiintii hore laga dhigto cashar loogu diyaar garoobo mustaqbalka siyaasadeed iyo tartamada danbe hadii nabad qab lagu gaadho.

Xafiiska Qurbajooga Somaliland UK

Birmingham UK

Ramaasnews Desk