Wasiir Duur “Waxa Berbera ka dhacay Khaladaad Aanu Tudhaale kaga Tagnay”

Berbera (DAWAN)- Wasiirka wasaarda arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa shalay xilkii u kala wareejiyey maayarkii hore magaalada Berbera yo maayar cusub ee la doortay.

Munaasibadaasi xil wareeginta oo ka dhacdey hoolka dAwlada hoose magaalada Berbera ayaa waxa ka soo qeyb galay, wasiirka wasaarad Qorsheynta qaranka
Masuuliyiinta laamaha kala duwan dowlada ee gobolka Saaxil, Xildhibaanada Golaha deeganka Berbera, Bashaabka cusub gobolka Saaxil iyo Badhasaabkii hore, Aqooyahan, Cuqaal, Culimo Aw-Diin iyo xunbo ka mida dadweynaha reer Berbera.

Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo munasibadaasi uu xilka ugu kala wareeginayay maayar cusub iyo maayarka kii hore magaalada Berbera hadal ka jeediyey maamulka cusub in laga sugayo wax qabad muuqda oo ay ka sameeyaan howlaha bushada degmaga Berbera, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Berberaay khaladaad baa halkan ka dhacay aydaan caado u lahayn, maanta tudhaale iyo iska indho tir baanu kaga tagnay,laakiin ogaada inaanu tudhnay, qaranku waa dhaafay maanta wakhti inamo yar yari meel xidhaan, waa dhaafay qaranku wakhti aynu qabiil noqo oo qayqaysano sodon ama labaatan ano ayaa ka soo wreegtay, ” ayuu wasiir Duur.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku amaanay maamulkii hore degmada Berbera wax qabadkoodii kuwa cusubna u soo jeediyey inay waxqabad muuqda la yimaadaan.

Basaabka gobolka Saaxil, Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) oo munasibadaaasi hadal ka jeediyey ayaa ka waramay ahmiyada munaasibada xiwareejintu lee dahay, waxaanu sheegay inuu la shaqeyn doono muqa cusub ee magalada Berbera.
Maareeyaha dekeda Berbera, Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), ayaa isna dhankiisa sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub ee la wareegay dowlada hoose degmada Berber.
Maayarka cusub ee magaalada Berbera, C/shakuur Maxamuud Xasan (C/shakur Cidin), oo munaasibada xulka kula wareegayay khudbad ka jeediyey ayaa sheegay inay u dhaarteen bulshada magaalada Berbera ku dhaqan islamarkaana ay daacad ugu shaqeynayaan kuwii codkooda siiyey iyo kuwa kalaba. Mayarka cusub ee magalada Berbera waxa uu sharaxay qorshadooda kaga howgalayaan iyo sida ay horumariyaan magaalada Berbera, “waxaanu kitaab Jaamaca gacanta u saarnay oonu u dhaaranay kii noo codeeyay iyo kii aan noo codeyba inaanu daacad u nahay dadka, diinta iyo dalka, qorshaha aanu kaga howgalayno degmada Berbera waa degsan yahay kaasi oon filayo inuu yahay qorshe hurumar lataaban ku soo kordhin doona Berbera, waxaan idnka codsanyaa xilkaa culas ee aanu qaadey inaad noogu soo ducaysaan in Ilaahay nagu asturo,”ayuu Maayarka cusub Berbera.

Duqii hore magaalada berbera Cabdale Maxamed Cali, ayaa isna ka waramay waayo aragnimada iyo khibrada uu ka dhaxlay toban sano oo uu ku jiray golaha degaanka magaalaga Berbera iyo wax qabadkii u suurtagal ee magaalada Berbera ka hirgaliyay, waxaanu u mahad celiyey xukuumada Somaliland mudadii ay wada shaqeynayeen, waxaanu yidhi “waxaan halkan aad uga mahad celinayaa xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), runtii intii aan xilka hayay xukuumada waxaa na dhexmaray wadashaqey aad u wanaaagsan”.

Badhasaabkii hore gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey ayaa uga mahad naqaqey maayarkii hore magaalada Berbera wax qabadkii uu degmada ka sameeyey mayarka cusubna u rajeeye xilka uu qaadey in Alle u fududeeyo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa