Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Duqii Hore ee Boorame? Faallo..Cabdalle Cali Yuusuf

Duqii hore ee degmada Boorama Mud. Cabdiraxmaan Shide Bile oo qiyaastii 2005tii loo doortey in uu noqdo gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa noqnya mas’uulkii xilkaa soo mara ee ugu mudada dheeraa, hada doorashooyinkii ka qabsoomey dalka 28/11/12 ayaa waxa ay soo afmeereen xilkaa uu mudad dheer ku fadhiyey waxaana badaley golihii uu madax u ahaa gole cusub.

Waxa ay dadka qaarkood isweydiinayaan maxaa lagu xusuusan doonaa Duq Cabdiraxmaan intii uu meesha ka ariminaayey wanaag iyo samaanba? Akhyaar qaar waxa ay leeyihiin wax hour mar ah oo buuran oo la sheegi karo ma keenin halka ay qaarna ka qabaan in wax uun uu ku talaabsadey ha yaraato ama ha badnaatee,sadaradaan soo socda ayaan ku sheegi doonaa waxa uu galey iyo waxa uu gudayba.

Jidadka
Magaalada Boorama Cabairaxmaan shie ka hor waxa ay lahayd jid cadayaal waligeedna gudeheedu ma yeelan wado laami ah waxaanu duqaasi sameeyey jidkii ugu horeeyey ee Laami ah oo badhtanka magaalada Mara, kaasi oo dadka qaar ku magacaaba jidka Shide, intaa ka dib waxaa magaalada ka bilaabmey jidad laami ah oo inta badan dadka degeni iska xislsaareen dawlada Hoosena gacan ka gaysatey waxaa kale oo la sameeyey jid cadayaal aan horey loo isticmaali jirin.

Waxaa kale oo taasi horseedey in gaadiidka ka shqaeeya magaalada gudeheeda uu abuurmo kuwaas oo bahasha yare e sadexda lugood leh ee Bajaajta lagu magacaabo ugu horsey ka dibna Basas ay magaalada iska goosheen.

Kawaanka Lagu Qalo Xoolaha
Waxaa magaalada Boorama lahayd hal Kawaan oo xoolaha kala duwan ee Ilaahay inagu manaysto lagau qalo kaasi oo nodey markii danbe mid ku dhax yaala magaalada Gudaheeda, ka dib waxa ay hay’ada Beeraha iyo cuntada aduunka (FAO) u qaabilsan ay keentay lacag aanan hada xadigeeda halakan ku hayn oo ay ugu talo gashay in lagu dhiso kawaan casri ah kaasi oo meel magaalada ka dururgsan laga yagleeyey inkatsa oo shuruudii uu lahaa kawaan casri ah aan la wada dabaqain hadana magaalu waxoogaa urtii iyo qashinkii hadhaaga xoolaha waa ka raysatey.
Iskuulo iyo MCH- yo
Waxaa jira in la yagleeley tiro iskuulo iyo xanaanada hooyada iyo dhalaanka ah kuwaas oo meelo badan oo deegaanka degmada Boorama ah laga hir galiyey, kuwaas oo dad badan oo markii hore rafaad ku qabay in ay helaan goobo caafimaad ay hada arimaha qaarkood ak heli karaan, inkasta oo xarumaha caafimaadka ee dalku guud ahaan ay yihiin kuwo aan u hawl galin sidii loogu talo galey.

Adeega Xisbiga Xaakimka ah
Cabdi Buur wax qabadyadiisa waxaa lagu dari karaa in uu mar walba daacad u ahaa Xisbiga wadanka xukuma markii hore waxa uu ahaa UDUB markii danbena waxa uu u diga rogtey Kulmiye waxaanu ahaa sida Jirjiroole dad badani waxa qabaan in uu hantida meesha taalo ku bixiyo danaha xisbiga xaakimka ah waxba lama ahayn isaga.
Tan waxa ay ka mid ahayd dhaliilihiisa oo muujinaysa in uu ahaa nin jecel kursiga taasina waa ta keentey in uu yaraado adeeg waaweyn uu u bulshada u qabto waana ta keentey in uu kursiga ku raago oo uu mudo badan ahaado duqa degmada Boorama.

Boorama iyo Degmooyin Kale

Magaalada Boorama marna lama tartami karayn magaalooyinka dhigeeda ah xaga horumarka sida Berbera, Burco, Hargeysa iyo xataa Gabiley kuwaas oo mashaariicada ay dawladaha hoose mudo kooban kaga hir galiyeen aanay Boorama haabsan Karin taana waxaa sabab u ahaa duqeeda oo meelo kale sii eegaayey.

Eedeymo Musuq maasuq
Cabdi buur waxa uu ahaa duqii ugu horeeyey ee eedeymo musuq maasuq loo soo jeediyo hadana lagu cadeyn kari waayey waxaa kale oo la yaab lahayd golaha deegaanka ee degmada oo xila xayuubin ku sameeyey oo ay noqotey mar isaga oo kaliya iyo xubnihii goolaha deegaanka badankooda oo ka soo wada horjeestey ka dibna waxba dhaqaajin kari waayey taasina waxa ay adkaynaysaa lugaha uuku leeyahay madaxtooyada, wasaarada arimaha gudaha iyo meelaha go’aanka dalka laga sameeyo, waxaana dad badan fajaciso ku noqotey sida uu kaligii uga guuleytey golihii sharciga u lahaa in ay doortaan oo ay hadan casi karaan.

Qashinka iyo Boorama
Magaalada Boorama sida magaalooyinka kale oo dalka ku yaala ay qashinka uga cawdaan ayey Booraamana qashin abti adeer sodoh iyo wax walba u noqdey waxaana caado iska noqotey in qashin qub ay noqotey xataa detrka dawlada hoose agtiisa waxaana jirta in aanay magaaladu lahayn gaadiid hagaagsan oo qashinka ka guri kara magaalada waxaaney dawlada hoose leedahey baabuur iska rogo ah oo la riixo mudo sanado ah hada waxaan arkaa iyada oo jug ku kacda iyo mid wiish ah oo qashinba aan loogu talo galin oo labadaas uun aroor walba lagu guro waa ,meelaha aanu malaha isba odhan ba xil baa kaa saaran ee iska hagaajin aadna loogu dhaliilo.

Intaas iyo in ka badanba waa jiri karaan laakiin Cabdiraxmaan waxa uu ahaa nin yaqaana sida uu kursiga ugu fadhiyi karo wax ay doonto ha ku qaadatee waxaanu xariif ku ahaa u adeega madaxda ka sareysa kuwaas oo garab iyo gaashaanba u ahaa marka ay arin adagi kala soo daristo golaha deegaanka ee degmada ka jirey waqtigaas.

Markaa madaxda sare waxa ay inta badan yihiin kuwo huuriya oo qariya xumaanta ama wanaaga qof leeyahay horumar bulshada loo sameeyana waxaa uga fudud in iyaga si diiran loohu adeego.

By: Cabdalle Cali Yuusuf