Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Shirweynihii Lixaad ee Dalladda SONYO

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu furayay shirweynahii Lixaad ee Dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Shirkan balaadhan oo maanta ka dhacday Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa ay sidoo kale ka soo qayb galeen xubno ka tirsan xukuumadda, madaxda sadexda xisbi ee qaran, Madax dhaqameed, hawlawadeeno metelayey ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay wehelinayeen marti sharaf badan oo kulankaa furitaankiisa lagu casuumay.

Gudoomiayaha xiligiisu dhamaaday ee Daladda SONYO Axmed Cabdi Wacays ayaa ugu horayn ka waramay marxaladihii ay dalladu soo martay halkii ay ka soo bilaabeen iyo meesha manta la taagan yahay, waxana uu xusay in ugu yaraan Toban hay’adood ay wada shaqayn la leeyihiin Dalladda sonyo, waxyaabo badana ay ay ka qabteen dhinacyada tababarada dhalinta hanka siyaasad leh.

Mr. Wacays waxa uu sheegay in mudadii ay shaqaynayeen ay kulamo badan oo muhiim u ahaa Somaliland ay kaga qayb galeen dalka dibadiisa, kuwaasoo waxyaabaha lagaga hadlaya y qayb ka ahaayeen koru qaadista horumarinta dhalinyarada, waxana uu Madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu uga dhabeeyey ballanqaadkii xisbiga Kulmiye ee ahaa Da’da ay dhalinyaradu kaga qayb geli karaan siyaasadda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inay uu furo shirweynaha 6-aad ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, waxaanay dalladu madaxweynaha ku guddoonsiisay halkaasi shahaado sharaf ay ugu talo gashay, iyada oo ay shahaado sharaftaasin soo diyaarinteeda ka qayb qaateen kooxda Somaliland Events.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay wada shaqayn buuxda la leeyihiin dalladda Dhalinyarada ee Sonyo, xukuumaduna ay suuro gelisay in 80% dadka ka shaqaeeya hay’adaha iyo wasaaradaha Dawladdu ay ka soo jeedaan safafka dhalinyarada.

Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray guud ahaan dhalinyarada Somaliland gaar ahaana Dalladda Sonyo, isla markaana ku bogaadiyey hanaanka Dimuqraadiyadda ku dhisan ee ay isu doortaan uguna kala wareegaan xilka.

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu sheegay in dhalinyaradu yihiin hogaankii Berrito loogana baahan yahay inay horsed ka noqdaan ka midho dhalinta himilooyinka ay umadda Somaliland hiigsanayso.
Waxa iyaguna shirweynahan ka hadlay madaxda sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Shirweynahan oo socon doona laba maalmood laguna dooranayo hogaanka sare ee Dallada.

Somaliland.Org/Hargeysa