Dhacdo Wareedyadii Ugu Mudnaa 2012 Q.2-aad

By: Faaqidaad Xassan Cumar Horri

• Dib-U-Cugashadii Barack Obama- Doorasho iyo Dhacdadii Ugu Shislayd 2012
• Gu’ga Carabta iyo Saamaynta Islaamiyiinta
• Somaaliland- Doorashada G. Degaanka Guul iyo Dhaliilaha Tubta Dimuqraadiyadda
• Somaaliya- Dawlad Ann Ku Meelgaadh Ahayn iyo Ambabaxa Al-Shabaab
• Kenya- Qaraxyo Isa Soo Taraya iyo Doorashada Ku Soo Fool Leh
• Guga Carabta- Masar oo Qarka U saaran Burbur Siyaasadeed
• Suuriya- Madaxweyne Aan Tudhayn iyo Kacdoon Burbur Horseeday
• Waayaha Falastiin- Duruufaha Adag iyo Yididiilada Soo Bidhaamaysa
• Itoobiya- Geeridii Ra’iisal Wasaare Males Zanawi iyo Raadkii Uu Ka Tegay
• Maali- Dawaariqa iyo Ururka Al-Qaacida Oo Ku Habsaday Waqooyiga Dalka
• Britain- London Oo Si Qurxoon U Martigelisay Tartankii Olympic 2012
• Kuuriyada Waqooyi- Gantaal Lama filaan Ah Oo Si Guul Ah U Ambabaxay
• Maraykan: Caruur Lagu toogtay Dugsiga Newtown iyo Sharciyadda Hub-Haysashada

Qaybta 2aad

Gu’ga Carabta iyo Saamaynta Islaamiyiinta ????? ??????

Tan iyo markii uu curtay Gu’ga Carabta waxaa uu galaaftay dad gaadhaya 100,000 kuwaas oo ku qudhbaxay shaqaaqooyinka ka aloosmay dalalka Waqooyiga Afrika iyo Berriga Dhexe. Kacdoonka, inta ku geeriyootay iyo malaayiinta kale ee dibad-baxayaasha ah waxaa ay ka sinnaayeen diidmo qayaxan oo ay kala hortageen gaboodfalka xukunmado keli-talis ah oo muddo dheer ka arriminayay dalyowgooda. Dulmiga iyo duudsiga ay bulshadu cabashada ka soo jeeedisay waxaa u weheliyay oo ay oodda u soo jabsadeen saboolnimo ragaaday, musuqmaasaq, ku tacadi xuquuqda aadami, sicir barar, shaqo la’aan iyo eex aan geed loogu gabban.

Haddaba, muddo sannad ah Waxaa la afgembiyay xukuumaddii dalka Tuunis iyada oo Madaxweynahii Bin Cali isu dhiibay Boqortooyada dalka Sacuudi Careebiya halkaas oo uu hadda ku joogo magangelyo siyaasadeed. Sidoo kale, waxa jilbaha dhulka loo dhigay xukuumaddii Masar iyada oo Madaxweyne Xusni Mubaarak lagu muquuniyay in uu ka ruqaansado kursigii uu mudada dheer wehelshanayay. Waxaa xusid mudan muuqaaladii laga baahiyay telifeshinada caalamka oo laga dheehday Xusni Mubaarak in uu ku khaatumaystay isaga oo dhooli lagu walwaalayo maxkamadda horteeda. Waxaa lagu soo ogay in uu si badheedh ah ugu kacay falxumo kasta oo aan laga filayn qof masuul ah.

Dil, xasuuq, xatooyo, boob, eex ito khayaamo qaran. Dhinaca kale, waxaa xukunka laga tuuray dawladdii Liibiya iyada oo dhegta dhiigga loo daray Madaxweyne Mucammar Al-Qaddafi iyo xubno ka mid ah qoyskiisa iyo xukuumadiisa. Waxaa iyana la muquuniyay iscasilaadda Madaxweynahii Yaman, Cali Cabdalla Saalax halkaas oo laga yagleelay xukuumad ku meel-gaadh ah oo mucaaradku majaraha u hayaan.
Dalalka Kuwayt, Lebnaan iyo Cumaan ayaa iyagana lagu qasbay in ay wax weyn ka bedelaan dhismaha xukuumadaha ka jiray, halka dalalka Maqrib iyo Urdun lagu sandulleeyay in ay wax ka bedelaan Distuuradooda.

Gu’ga Carabta waxaa kale oo uu ka hillaacay dalka Baxrayn, hase ahaatee, xawligii uu ku socday kacdoonku waxaa hakiyay fara gelinta Isbahaysiga Ciidamada Gacanka Carbeed. Dadka u kuur gala siyaasadda Gacanka Carbeed waxaa ay qabaan hakintu in aanay sii waari doonin ilaa xal siyaasadeed looga helayo cabashada bulshada oo intooda badan ay ka soo jeedaan haybta Shiicada ee sida mutuxan uga soo horjeedaan boqortooyada sunniga ah oo dalka ka talinaysay tan iyo maalintii la asaasay qaranka. Ugu danbayntii, dabku waxaa uu ka holcayaa dalka Suuriya iyada oo lagu qiyaasay in ay ku naf waayeen in ka badan 40,000 oo qof halka xukuumadu ku andacoonayso in laga dilay ilaa 10,000 oo ka tirsanaa ciidamada qaranka.

Waa Maxay Gu’ga Carabto?
Gu’ga Carabta waxaa lagu asteeyay in uu curtay Sabti, 18kii December 2010 maalintaas oo uu dalka Tuunis isku gubay Mohamed Bouazizi oo ahaa nin dhallinyaro ah. Ujeedadu waxaa ay ahayd in uu muujiyo qarada dulmiga uu kala kulmay taliska mucangagga ah ee ka jiray dalkiisa. Hase ahaatee, marxuumku ma ogeyn farriinta u diray in ay saamayn doonto dunida Carbeed. Ma uu malayn karayn in malaayiin qof ay si la mid ah naftooda u huri doonaan si ay u soo bandhigaan cabasho tiisa la mid ah. Isla markaa, ma uu filayn in tobonaan kun oo qof u nafwaayi doonaan si ummadda intooda badan u tuuraan heeryadii dulmiga iyo duudsiga.
Nafta waxaa loo huray afgembiga keli-talisyada guunka ah ee tobonaanka sannadood ku amar ku taaglaynayay masiirkii ummadda. Si hayaanku u beegsado helitaanka xuquuq qofeed, mid wadareed iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah, dibed-baxayaashu waxaa ay hiigsanayeen bartilmaameed loogu magac daray dimuqraadiyad.

Xaqiijinta yoolka iyo himilada dadweynaha waxaa loo maray jid qardajeex ah oo lagu banneeyay dhiigga dad aan waxba galabsan balse naftooda u bireeyay in ay ummadda ka xoreeyaan gacanta birta ah ee ee hoggaamo nacab ah. Hubka iyo awoodda ciidamada u dhegaha nugul xukuumadaha bahaloobay, shacabku waxaa uu kala hortegay bannaan-baxyo nabadeed, is-caabin, amar-diiddo iyo is-abaabul lagu fulinayo isgaadhsiinta casriga ah iyo ardaayada bulsho ee caalamiga ah sida Facebook, Twitter iyo Youtube.
Warsidaha magaca weyn ee TIME oo dabayaaqada sannad kasta soo bandhiga shakhsiyadda, sannadkaas, ugu awoodda iyo saamaynata badan adduunka korkiisa. Warsidahu cadadkiisii, Arbaca 14 December 2011 shakhsiyadda sannadka waxaa uu u doortay waxa uu ugu magac daray Bannaan-baxe, (PROTESTER) taas oo uu uga jeedo maalaayiinta u soo dibad baxay in ay ka xadhig furtaan hoggaaminta dhagaraysan. Gadoodka shacabku waa arrin aan hore loo aqoon laguna hubsaday awoodda dhabta ah in ay tahay tan iyaga gacanta ugu jirta. Waxaa laga qiyaas qaadan karaa marka la ogaado xukuumaddii filka weynayd ee Xusni Mubarak in lagaga faraxashay muddo 18 maalmood ah iyada haysatay cudud milateri iyo awood dhaqaale oo aad u lexaad badan iyo taageerada dawladaha Carbeed iyo kuwa reer Galbeed.

Saamaynta Islaamiyiinta

Talisyadaa hoobtay iyo kuwo kale oo weli sii turunturoonaya waxaa ay ka siman yahiin aragtida in ay gacan bir ah ku hortaagnaayeen kooxo xagjir ah oo iyaga la’aantood dunida Islaamku isu rogi lahayd dalal looga taliyo misaajidyo laga faafiyo jihaad, colaad iyo nacaybka diimaha iyo dhaqamada kale. Run ahaantii, aragtidaas waxaa la wadaaga dawladaha Maraykan iyo Yurub oo aaminsanaa in ay xukunka ku sii hayaan talisyada ruugcaddaaga ah si aanay ugu soo mudhaxsan dawlado ay ka taliyaan wadaado mayal adag.

Gu’ga ka curtay dunida Carbeed waxaa horkacayay dhallinyaro madaxbannaan oo ay ilbaxnimo ka muuqato, kuwaas oo si xamaasad leh ugu ololaynayay xukuumado si xor iyo xalaal loo soo doorto. Sidaa awgeed, dalalka hore u maray waxaa ay filayeen hoggaminta inay ku soo boodayaan dad la aragti ah, Hase ahaatee Gu’gii waxaa uu biyo dhigay ururadii siyaasadeed ee Islaamiyiinta oo mudada dheer dabarku ku xidhnaa. Arrintaas waxaa ay hungo, fejiciso iyo lid ku noqotay malamalaynta xeeldheerayaasha dunida tadhahday ee ku hawlanaa in ay sii odorosaan dabaylaha ka dhacaya Bariga Dhexe. Reer Galbeedku waxaa ay aad uga xumaadeen durbaba in ay xadhkaha soo goostaaan siyaasiyiin Islaamnimo loo tirinayo oo muddo dheer dhaadka ka xidhnaa.

Ururada Islaamku oo huursanaay muddo aad u dheer, isla markiiba waxaa ay buuxiyeen kaalmahii bannaanaaday iyaga oo ka faa’iidaystay dhallinyarada aan wax qorshe iyo damac ah toona ka lahayn hoggaminta dalka.

Sidaa darteed, sannad gudahiis waxaa burburay talisyadii guunka ahaa ee taagerada ka haystay dalalka hore u maray. Sidoo kale waxaa ay la hoobteen nidaamyadii ay ugu adeegayeen kuna raalli gelinayeen Maraykan iyo Yurub. Dadyowga dunida Carbeed waxaa ay ka digo rogteen in ay la jaanqaadaan rabitaanka reer Galbeed iyaga oo si mug leh codkooda madaxa bannaan ugu qeexay waxa ay doonayaan in ay ka duwan tahay waxa laga rabo Washington, London iyo Paris.

TUNIS: Doorashooyinkii, bishii Octoba4 2011, ka qabsoomay dalka Tuunis waxaa ku soo baxay xisbiga Hurumarinta (Al-Nahda) ee Islaamiga ah kaas hore looga mamnuucay dalka iyada oo loo aaneeyay xagjirnimo. Xisbigu waxaa uu ku guulaystay kuraasta in ka badan 49%. Sidaa darteed 23/12/2011 waxaa Ra’iisal Wasaare loo magacaabay Xamaadi Al-Jabaali, Xoghayaha Guud ee xisbiga. Aasaasaha Xisbiga Al-Nahda, Rashiid Qannuuji, waxaa uu aaminsanaa siyaasad dhexdhexaad ah.

MAQRIB: Dalka Maqrib, isagana, doorashooyinkii bishii November 2011 waxaa guusho ku raacday xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee Islaamiga ah. Waa markii ugu horraysay oo Boqor Maxamedka 6aad xilka ra’iisal wasaare u magacaabo qof ka soo jeeda Islaamiyiinta halkaas oo Cabdallah Binkarayn loo igmaday in uu soo dhiso xukuumadda.

MASAR; Dalka Masar oo ilaa hadda uu ka qabsoomay wareeggii 2aad ee doorashooyinka golaha barlamaanka waxaa soo ifbaxay taladii dalku in ay u janjeedhsatay dhinaca islaamiyiinta iyada oo kuraasta in ka badan 40% uu ku guulaystay xisbiga Ikhwaan Almuslimiin. Taas waxaa dheer xisbiga Alnoor ee kooxaha salafiyiinta mintidka ah oo iyaguna la filayo in ay soo xereeyeen 25% kuraasta barlamaanka.
LIBYA: Bishii November 2011, waxaa dalka Liibiya laga asaasay xibi loogu wanqalay Ururka Xoriyadda, Cadaaladda iyo Horumarinta kaas oo sida la sheegay qaab dhismedkiisa laga soo dheegtay Ururka Cadaaladda iyo Horumarinta ee dalka Turkiga. Sida la sheegay xisbigan cusub oo ay wada aasaaseen siyaasiyiinta xilligan hormuudka ka ah talada dalka waxaa uu salaysan yahiin aragtida Islaamiyiinta dhexdhexaadka ah. Hase ahaatee waxaa aad looga feejigan yahay saamaynta ay yeelan karaan tiro aan yarayn oo iyagu u loolamaya in dalka lagu maamulo diinta shareecadda Islaamka oo aan loo jixinjixin aragtida reer Galbdka.
YAMAN: Dalka Yaman waxaa dhowaan laga takhalusay 33 sannadood oo uu ka talinayay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax halkaasna waxaa si ku meelgaadh ah laga dhisay xukuumad wadajir ah oo ay ku kulmeen xisbigii mudada dheer gacanta ku hayay talada dalka iyo Isbahaysiga Ururada Mucaaridka ah. Haddaba iyada oo lagu guda jiro qaanqaabada doorashooyinka loo qorsheeyay bilowga sannadka cusub waxaa la sii saadaalinayaa in ay dalka ka dhalan doonto xukuumad uu ka arrimiyo xisbiga Islaamiyiinta ee Al-Islaax oo haddaba ,loo qoondeeyay 40% xukuumadda ku meelgaadhka ah.
TURKIGA: Run ahaantii, waxaa aan qarsoonayn saamaynta nidaamka Turkigu uu ku leeyahay dhammaan ururada Islaamiga ah ee hadda uun ay u soo gacan gashay taladu. Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Dayib Erdogan ayaa noqday nuxurka ay ka shidaal qaadanayaan Islaamiyiintu iyada oo looga dayanayo hannaanka wanaagsan ee ay dalka ku maamulayaan. Xisbigaasi waxaa uu ku guulaystay in uu is waafajiyo dhaqanka diinta iyo tubta dimuqraadiyadda arrintaas taas oo aan suurta gasheen haddii aanay dib u milicsan waayo aragnimada ay ka dhaxleen guuldarrada ismiidaaminta xisbiyada Islaamiga ah ee xukunka uga horreeyay. Waxaa ay ka faa’iidaysteen casharradii ay ka barteen marar badan oo ciidamadu xukunka ka tureen Islaamiyiinta ka dib markii lagu eedeeyay xagjirimo.

Isku soo xoori, Gu’gii Carabta ma uu noqon mid ay ku naaloodaan dalalka hore u maray waxaana uu daadka raaciyay siyaasiyiintii kalsoonida ka haystay dalalka reer Galbeed una darbanaa in ay hiigsadaan tubtooda. Sidoo kale, waxaa baaqday mintidnimadii laga filayay Islaamiyiinta iyaga oo iska beri yeelay in ay u xagliyaan barbarka midig ee fog. Waxaa muuqata in ay ku waano qaateen casharradii ay ka barteen cidhib xumada ka iman karta is barbarinta iyo qallafsanaan.
Xusuus. Waxaa ay ahayd dalka Algeria oo Islaamiyiinta si xoog ah xukunka looga riday ka dib markii shacabka intooda badan iyo dalalka shisheeye u arkeen in ay seef ku meelmariyaan ku dhaqanka diinta Islaamka. Mar kale, weli waxaa sii muuqda raadkii jabka haleelay Xisbiga Xamaas ee dalka Falastiin ka dib markii hoggaamintoodu ku fashileen in ay la yimaadaan siyaasad dhexdhexaad ah oo ka iibsami karta shacabka intiisa kale iyo bulshada caalamka.

Waxaa weli la dhowrayaa gedaha ay la soo bixi doonaan ururada Islaamiga ah ee uu shacabku u codeeyay. Isweydiintu waxaa ay tahay; ma waxaa ay noqon doonaan kuwo hanan kara talada dalka ummadana u horsed cadaalad iyo horumar sida xisbiga cadaaladda iyo horumarka ee dalka Turkiga? Mise waxay ku sifoobi doonaan kuwo qar-iska-tuur ah oo mintidnimo ku kasbada colaadda dadkooda iyo dunida kale sida Xisbiga Xamaas?