9 Xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Caafimaadka Togdheer oo sheegay in sharci daro loo eryay

Burco (Somaliland.Org)-Sagaal qof oo ka mid ah shaqaale hoosaadka Hay’adda MSF ee Burco ayaa ku eedeeyay isuduwaha Wasaaradda <a Caafimaadka gobolka Togdheer Dr. Cabdi Yaasiin iyo maamulaha cusbitaalka guud Dr. Cabdiqaadir Muruqliqe in ay ka caydhiyeen shaqooyinkii ay hayeen.

Shaqaalahan oo cabashadooda uga waramay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa masuuliyiintan ku eedeeyay in ay kala sooc ku sameeyeen shaqaale ay hay'adani doonaysay in ay shaqada ka caydhiso kuwaasi oo tiradoodu ahayd 15-qof isla markaana 9 ka mid ah oo ay eryeen ,halka intii kale-na ay iska daayeen .

" Anagoo ka mid ah shaqaalaha Hay'adda MSF ayaa 15- aanu ku jiro ayaa la yidhi shaqadii ayaa laydinka fadhiisiyay intaasi ka dib ayaa 15-kayagii Lix ka mid ah oo isku reer ah markiiba shaqadii dib loogu celiyay Sagaalkayagii kale-na waa nala eryay ,markii aanu hay'adii u dacwoonayna maamulkii hay'adu waxa uu nagu yidhdeen shaqaalahaas la soo celiyay waxa nagu soo celiyay oo jeebka ku sitay maamulaha Wasaaradda Caafimaadka iyo cusbitalka markii aanu labadan masuul u tagnayna waxay nagu yidhaadeen arintani gobolka ayay ka timi ,markaa hadaanu maamulkii gobolka u caban lahayn ,Badhasaabkii , Maayirkii iyo masuuliyiintii gobolkuba waa isku reer markaa waxaanu umadda u sheegaynaa Sagaalkayagaa qof ee cusbitaalka Masaxaayay ee lagaga soo saaray xooga iyo qabyaaladda in arintooda wax laga qabto " Sidaasi waxa tidhi Nuura Maxamed Axmed oo ka mid ah shaqaalahan la eryay .

Xaliimo Axmed Faarax oo iyana dumarkan ka mid ahayd ayaa hoosta ka xariiqday cadaalad xumadda lagu sameeyay . " Waxaanu ka mid ahayn shaqaalaha wax masaxa ee cusbitaalka Burco waxaananu mushaharka ka qaadan jiray MSF sidaa awgeed gobolka Togdheer iyo cusbitaalka Burco wax cadaalad ah oo yaalaa ma jiraan ,15-qof ee hay'adu doonaysay in ay shaqada ka fadhiisiso waana nala kala saaray Sagaal aanu ku jirnana waa la eryay intii kale-na si gaar ah ayay Cabdiyaasiin ay Ina Muruqliqe dib shaqadii ugu celiyeen markaa waxaanu eedaynaynaa labadaa masuul ee shaqada naga eryay waxaananu leenahay arintayadaa wax ha laga qabto ".

Geesta kale isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer Dr. Cabdi Yaasiin Axmed oo aanu eedayntan loo jeediyay wax ka waydiinay ayaa iska fogeeyay ,waxaanu ku riixay hay'adda MSF.
" Anagu wasaarad'ahaan iyo cusbital'ahaan wax shaqo ah oo aanu arintaasi ku leenahay ma jirto ,hawshaasna waxa iska leh hay'ada MSF oo shaqaalaheeda u madaxbanaan.

Cabashada shaqaala-hani ka muujiyeen isuduwayaashan ayaa ku soo beegmaysay wakhti ay magaalada Burco hadhaysay xiisado qarka u saaran in ay kala qaybiso dadweynaha gobolkaasi kuwaasi oo ka taagan badhasaabka gobolka Togdheer iyo maayirka degmadda Burco oo ay Xukuumadda Siilaanyo doonayso in ay isu raaciso beesha bariga Burco ,ee uu Madaxweynuhu ka soo jeedo ,arintaasi oo la filaayo in ay xasilooni daro gobolka ka dhaliyaan hadaan deg deg wax looga qaban.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Hargeysa