Wasiirro Xaflad Qado-sharaf ah u sameeyay Golaha Deegaanka Gabiley

Gabiley (Somaliland.Org)-Wasiirradda iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland kaga jira Gobolka Gabiley, ayaa maanta xaflad qado-sharaf ah oo ujeedadeedu ahayd is barasho ugu sameeyay Golaha Deegaanka Gabiley Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladaasi qado sharafeedka ahayd waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland iyo 21- Xildhibaan ee Golaha deegaanka Gabiley ka kooban yahay.

Ugu Horayn Waxa Munaasibadaasi Hadalo Ka soo Jeediyey Xildhibaan C/Laahi Xuseen Cige (Black) Isaga Oo 21-Ka Xildhibaan Kula Dar-Daarmay Inaanay Noqonin Kuwo Golaha Deegaanka Gabiley Ka Shaqaysta Ee Ay Noqdaan Kuwo Daacad Ugu Shaqeeya Dadkoooda, Kuna Dadaalaan Sidii Ay Wax Qabad Muuqda Oo Lagu Faano Uga Samayn Lahaayeen Magaalada Gabiley, Lana Shaqeeyaan Maayarkooda.


Maayarkii hore ee Degmada Gabiley Axmed muxumed qaalib (axmed samir) oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa isaguna sheegay in looga baahan yahay xildhibaanada cusub inay cadaalad ugu shaqeeyaan umadii soo dooratay, waxaanu kula dardaarmay inay sidii ay ugu soo dadaaleen mudadii doorashada iyo si kasii badan ay dadaal dheeraada u sameeyaan.

Waxa isaguna munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Axmed Cali-nuur waxaanu ilaahay uga baryey inuu ilaahay xilka u fududeeyo maadaama oo xilkii iyo masuuliyadii Gabiley ay la wareegayaan inay si cadaalada u maamulaan, noqona kuwii ku kala qayb qaybsama oo ay isku duubnaadaan,

Xildhibaan ibraahin Axmed Haybe oo ka mida xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa isaguna hadalo dardaarana halkaasi uga soo jeediyey waxaanu sheegay inay masuuliyada saarani ay tahay mid culus, ka xildhibaan ahaana sheegay ina looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii ay uga Gudbilahaayeen culayskaa badan ee horyaala maadaamoo bulshada soo dooratay ay uga fadhiyaan inay ogaadaan waxay ku seexdeen iyo waxay ku soo tooseen.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur ayaa sheegay inay kulankan isugu yeedheen 21-ka xildhibaan ujeedadiisu tahay inay is waji bartaan waxaanu intaa ku daray inay wixii dardaarana ee kale maalinta xil wareejinta odhan doonaan balse tani ay tahay isbarasho oo kaliya.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madashaasi hadalo soo dhawayn ah ka soo jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Waaxaan soo dhaynanaa 19-ka wiil iyo 2-da gabdhood si gaara waxay farxad iigu tahay inay hablo ku jiraan aad baan u jecelahay Golaha deegaanka inay hablo ku jiraan waxaanan idinkula dardaarmayaa 19-kiinaa nin inaad labadaa hablood soo dhawaysaan ixtiraam-taan oo aad talada ka qaadataan waayo habluhu raga way uga naxariis badan yihiin raga waxyaabo badan ilaahay baa u kala sameeyey oo hooyo iyo aabe ayeynu kala nahay ubadkana hooyada iyo aabaha hooyadaa uga baxariis badan munaasibadani waa mid qado ah anagaana jeclaysanay inaanu isugu nimaadno runtii farxad wayna way noo tahay wax is barashada iyo qadada dhaafsiisan may ahayn munaasibadu, waxaa intaa weheliya dardaaran waalid nimo golayaasha deegaanka ee soo baxayna waxa sidoo kale farxad wayn noo ah inay dhalinyaradu ku badan tahay.”

Somaliland.Org/Hargeysa