Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo G/Wakiiladda u faah-faahiyay Miisaaniyadda 2013-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle wuxuu ka soo jeediyay khudbada Miisaaniyada Qaranka ee 2013-ka.

Fadhigan Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) isagoo mudanayaasha u sheegay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u soo gudbiyay Golaha Wakiilada Miisaaniyada Qaranka ee 2013-ka iyo Siyaasada Miisaaniyada,kana codsaday inay ka gutaan waajibaadkooda distooriga ah eek u cad qodobka 55aad ee distoorka qaranka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md. C/Casiis Maxamed Samaale ayaa Xildhibaanadii fadhiga ku sugnaa u soo jeediyay Khudbada Miisaaniyada Qaranka ee 2013.

Wasiirku Wuxuu Sheegay in Sannad Miisaaniyadeedkii sanadkan sii galbayaa uu sidii loo qorsheeyay u soo wada Xerooday isagoo arrintaasna ku amaanay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada, waxaanay khudbadiisu u dhignayd sidan:-

“Mudane Gudoomiye,Mudanayaal;

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26 /12/2012,waxaan si wayn ugu faraxsanahay in aan kuu soo gudbiyo Miisaaniyada Dawlada ee sanadka 2013 ,aniga oo ku hadlaaya magaca Wasaarada Maaliyada oo gudanaysa waajibka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55 aad farqadiisa 1aad.

Miisaaniyadda Sanadka 2013 waxay dhantahay 1,114,284,198,751 Sl.sh una dhiganta $185,714,033.
Miisaaniyaddu waxay ka koobantahay afar qaybood oo kala ah :-
1. Miisaaniyadda Dawladda dhexe 750,000,000,000 sl.sh una dhiganta $125,000,000
2. Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda Dhexe 215,127,269,668 Sl.sh una dhiganta $35,854,545.
3. Dawladaha Hoose 71,156,929,083 Sl.sh una dhiganta $11,854,488
4. Deeqda Sanduuqa Somali trust fund(Denmark & Britain) 78,000,000,000 Sl.sh. una dhiganta $13,000,000.
Miisaaniyadda 2013 Miisaaniyadii 2012 Faraq Pesentage
1 Dawladda dhexe 750,000,000,000 639,369,240,470 110,630,759,530 17%
$ 125,000,000 $ 106,561,540 $ 18,438,460 17%
2 Hay’adaha Madaxa banaan 215,127,269,668 156,784,152,201 58,343,117,467 37%
$ 35,854,545 $ 26,130,692 $9,723,853 37%
3 Dawladaaha Hoose 71,156,929,083 67,768,503,889 3,388,425,194 5%
$ 11,859,488 $ 11,294,751 $564,738 5%
4 Deeqda Calamiga ah 78,000,000,000 – 78,000,000,000 100%
$ 13,000,000 $ – $ 13,000,000 100%

• Miisaaniyadda Dawladda Dhexe waxa kujira mashaariic horumarineed sida; xoolaha, kaluumaysiga, beeraha, wadooyinka, madaarada, qalabka ciidanka bada, qalabka la dagaalanka dabka (dabdamiye) sidoo kale waxa kujira diiwaangelinta muwaadiniinta,derejada ciidamada iyo samaynta Somaliland E-passport.

• Misaaniyaddani waxay xooga saaraysaa xoojinta nabadgelyada qaranka iyo la dagaalanka shaqa la;aanta taas oo sanadkan Wasaaradaha loo qoray 1,500 oo shaqaale cusub ah.

• Si loo dhiiri geliyo nidaamka asxaabta badan ee wadankeenu qaatay waxaanu libinlaabnay kharashkii sadexda xisbi qaran ugu jiray miisaaniyada 2012 .

• Miisaaniyaddani Waxay Miisaaniyaddii sanadkii hore kabadan tahay 17%, sidoo kale waxay Miisaaniyadii Dawladii hore kabadantahay 150%.

• Wasaaarada maaliyadu waxay sanadkan 2012 soo saartay dakhli ka badan kii kutalagalka miisaaniyada meelaha dakhligaas ka yimid wuxu yahay iyada oo uu libinlaabmay dakhligii kasoo xaroonayey kastamada qaarkood sida Kastamka kalabeydh, waxa kale oo dakhligodu kor u kacay kastamada berbera,seylac iyo boorama.anigoo aad ugu amaanaya hawlwadeenada Wassaarada maaliyada.

• Fariinta Wasaarada ee cashuur bixiyayaasha; waxaanu amaan usoo jeedinaynaa dhamaan cid kasta oo si fiican u bixisay cashuurtii kuwaajibtay sanadkii 2012, waxa kale oo aanu ka codsanaynaa in sanadka 2013 cidii cashuuri ku waajibtaa ay si wanaagsan ubixiyaan,sidoo kale waxaan golayaasha qaranka ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan kamidha dhalinta dakhliga qaranka.
Mudane Gudoomiyeyaal iyo mudane xildhibaano aniga oo aan waxba kala hadhayn dadaalka lagu hirgelinayo Odoroska Miisaaniyadda sannadka 2013, waxaan ku kalsoonahay inaanu ka midho dhalin doono idinkuna aad gacan buuxda naga siin doontaan wixii aanu idiinka baahano.

Sidoo kale mudaneyaal; waxaan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanayaa ansixinta Miisaaniyada idin hor taala ee sanadka 2013 ka, Siyaasadda Miisaaniyadda 2013 iyo Lifaaqa Tacriifadda ee la socda Miisaaniyadda Sanadka 2013.
Gebogebadii waxaanu idinku salaamaynaa salaanta islaamka.ALLAA MAHAD LEH”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo fadhigaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ku ammaanay inay sanadkan markii u horeysay Miisaaniyadda ku horkeentay Golaha xiligii sharcigu jideeyay.

Guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyay Mudaneyaasha Golaha inay ku dedaalaan sidii ay u ansixin lahaayeen miisaaniyaddan si ay u dhaqan gasho bilowga sanadka 2013-ka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com