Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Maleeshiyo ka soo goostay Kooxda Khaatumo

Hargeysa (Somaliland.Org)- Cutub ka tirsan maleeshiyadda kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo- ayaa saaka u soo galay Ciidanka qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Aaga Gambadha ee gobolka Sool, sidaasna waxa daboolka ka qaaday warbixin ka soo baxday xafiiska Taliyaha Guud ee Ciidammadda qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle).

Taliyaha Ciidanka qaranku waxa uu sheegay in cutubkaa maleeshiyadda ahi ay u soo galeen ciidanka qaranka markii ay fahmeen ahmiyadda nabad-gelyadda iyo qiimaheeddaa.

Gen. Ismaaciil Shaqalle waxa uu intaasi ku daray in kooxdan oo uu aad ugu mahad naqayaa ay wateen afar baabuur oo laba ka mid ahi tahay Tikniko.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in dawladda Somaliland ay soo dhawaynayso walaalahooda la khalday, waxaanu kooxaha kale ee nabad diidka ah u soo jeediyay inay nabadda qaataan oo ay ku daydaan walaalahooda kale.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com