Sadexda Xisbi Qaran ee 10-ka sanadood ee soo socda oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudida diiwaan gelinta ururradda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa maanta xaflad balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxay ku shaaciyeen sadexda xisbi qaran ee ku guulaystay doorashaddii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii bishii November 2011, kuwaasi oo noqonaya xisbi tobanka sanadood ee soo socda.

Xafladan waxa ka soo qeyb galay Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee lagu dhawaaqay eek ala ah KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waxaanay Masuuliyiintoodu ay Gudida diiwaan gelinta ka gudoomeen shahaadadii xisbiyadda.

Go’aankii Gudida diiwaan gelintuna wuxuu u qornaa sidan:-

Wuxuu Cadaynayaa
1. In xisbiga KULMIYE lixda gobo lee dalka dhammaan kaga gudbay 20%, sidaasna ku noqday xisbi Qaran 10-ka sanno ee soo socda, sida uu cadaynayo qodobka 6-da faqradiisa 2aad ee Xeer No 14/2011.
2. In Xisbiga UCID iyo Ururka WADDANI u gudbeen xisbiyo Qaran iyagoo buuxiyay shuruudaha ku qeexan qodobka 6-da faqradiisa 2aad ee Xeer No n14/2011, sidaas ayaanay ku noqdeen xisbiyo
Qaran 10-ka ee soo socda.
3. Ururrada UMADa, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN umay gudbin xisbiyo Qaran iyadoo aad la socotaan in dastuurku cadeeyay inuu dalku yeelanayo saddex xisbi oo kaliya, sidaas awgeed, ururrada UMADA, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN kumay guulaysan inay noqdaan xisbiyo Qaran.
Magacyadda Gudida Diiwaan –gelinta

1. Cabdirasaaq Jaamac Cumar
2. Aadan Geedi Qayaad
3. Cumar Xasan Axmed
4. Xasan Axmed Ducaale
5. Cabdale Ibraahim Maxamed
6. Maxamed Cabdi Maalik
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com