Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Xanafta ka dhalatay Doorashooyinka iyo Tabashadda Shacbiga Axmed-dhagax


“Aasaaskii KULMIYE miyaanay Cidii u soo gurmatay ahayn Reer Axmed Dhagax”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay suurto-gal ka ahayn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay weerarto shacbiga degmadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa oo uu tilmaamay inay yihiin kuwii u hiiliyay xisbigaasi markii la aasasay sanadkii 2002-dii.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ka sheegay maanta xafladii Gudida diiwaan gelintu ku shaacinayeen sadexda xisbi qaran ee noqonaya axsaabta siyaasadda dalka tobanka sanadood ee fooda inagu soo haya.

“Markii KULMIYE la aasaasayey cidii ugu horeysay ee Siilaanyo u soo gurmatay miyaanay reer Axmed Dhagax ahayn, miyaanay iyagga oo xilka KULMIYE haya ku dhiman Daa’uud iyo Kayse, Axmed Siilaanyo siday uga suurowdaa inuu noqdo nin weeraray reer Axmed-dhagax,”ayuu yidhi Mudane Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku dooday in aanu jirin urur siyaasadeed dhacay isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu ma qabo in xisbiyana dhaceen, xisbiyana guuleysteen oo Somaliland oo dhami wada guulaysatay, ururadii iyo dadkii tartamay ee aan soo bixin, waxaanu leenahay guusha waynu wada leenahay ee maaha mid aanu anagu gaar u leenahay”

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay tabashada Xaqsoor iyo reer Axmed-dhagax, waxaanu yidhi “Doorasho kastaa waxay leedahay jiitan, waa la is haraamaa, doorasho kastana khilaaf lagama waayo, dadbaana cawda, waxay guushuu ku jirtaa sida khilaafka loo xaliyo, waxaan ka xumahay in maanta uu maqan yahay ururkii la odhan jiray XAQSOOR, dhibaatada Xaqsoor la maqan yahay waanu dareemaynaa, mudaharaadkii dhacay kii hore dhimasho iyo dhaawa cbaa ka yimid.”

“Dadka waayeelka ah ee reer Axmed Dhagax ee Guddoomiyaha Xaqsoor ka mid yahay ee Salaadiinta leh waanu is ognahay waxay dalkan u soo galeen, anigana nin iga reer Axmed dhagaxsan ma jiro oo dhibteeda iyo dheefteedaba waan la wadaagaa, tusaale ayaa u soo qaadayaa inamada leh reer Axmed dhagax baa si gaar ah loo xumaynaa maalintii dawladdii hore (Cigaal) ay tidhi Xasan Ciise hala soo xidho, aniga ayaa taliyihii ciidanka kula dagaalamay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Muuse Biixi waxa uu intaasi ku ladhay “Waxa ii markhaatiya Cabdi Haybe, maalintii ay isku dhaceen dawladdii tan ka horeysay ee aanu anagu Mucaaradka ahayn ee Salaadiinta Ciidanka lagu dalbaday ninkii ugu horeeyay ee gurigii Salaadiintu fadhiday tagay anigu ahaa.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com