Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka hadlay siyaasadda xisbigiisa Gun-dhiga u noqon doonta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisu ka gaadhay tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee uu ugu gudbay xisbiga qaran.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu hambalyo u diray shacabka reer Somaliland oo uu sheegay in Guusha Waddani yahay mid ay u siman yihiin, isaga oo sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay gacmaha isqabdaan oo ay nabada iyo horumarka ka wada shaqeeyaan.

Guddoomiye Cirro, waxa kale uu Tacsi u diray dadkii ku dhintay rabshadihii doorashada ka dhashay, waxaanu isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Guusha Waddani gaadhay waa guul la wada leeyahay, waa guul shacabku wada leeyahay, waxaanu ka xunahay wixii inagaga dhintay iyo wixii inagaga dhaawacmay doorashadaasi, Somalilandna maanta uma baahna in dhibic dhiig ahi inaga daadato oo hal qof inaga dhinto, ILAAHAYNA waxaanu caafimaad uga baryey intii ku dhaawactay, inta dhimatayna inuu u naxariisto, mida kale waxaanu aad ugu Mahadnaqaynaa taageerayaasha dibada oo qayb muhiim ah ka qaatay guusha xisbiga Waddani, sida taageerada iyo dhaqaalaha”

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu soo qaaday “Umadda waxaanu leenahay waxaynu u baahanahay inaynu gacmaha isqabsano oo aynu nabada iyo horumarka ka wada shaqeyno, ururadii aan soo bixina waanu hambalyeynaynaa, waayo waxay suurto-galiyeen in doorashadu inoo qabsoonto”ayuu yidhi, isaga oo ka hadlayey nooca ay noqon doonto Mucaaradadoodu ayaa waxa uu yidhi “Anagu waxaanu nahay mucaarad wax dhisaya.”

XIGASHO:RAMAAS