Ciidanka Asluubta Oo Soo Bandhigay Xirfado Ay Bareen Maxaabiista Xukuman ee Xabsiga Hargaysa

Hargaysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Hargaysa Cumar Siciid ayaa shalay xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa ku soo bandhigay maxaabiis kiisas kala duwan loo xukumay oo la baray xirfado ay ku xoogsan karaan marka ay bulshadoodii dib ugu noqdaan.

Waxaa kale oo ay gudaha xabsiga dhexe ee Hargaysa ku soo bandhigeen wax soo saar ganacsi oo uu ku talaabsaday xabsigaasi.

Taliyaha Xabsiga dhexe ee Hargaysa oo ka hadlaya waxyaabaha ay soo saaraan iyo waliba xirfadaha shaqo ee ay bareen maxaabiista kala duwan ee ku xidhan jeelka Hargaysa, waxaanu yidhi ”Waxa farxad weyn ii ah maanta inaan halkan idiinku soo bandhigno arrin fikirkeeda iyo dadaalkeedaba uu tacabkeedaba uu lahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen oo uu hay’ada UNODC kaga codsaday dadkan maxaabiista ah ee ka leexday ama ka baydhay jidkii saxda ahaa ee nolosha si loogu soo celiyo isla markaana dib u habayn ama dhaqan celin loogu sameeyo inay gacan ka gaysato .
Taas oo xiligan noo midho dhashay isla markaana ay maxaabiistii falalka kala duwan u xidhnayd ka heleen xirfad aqooneed oo ay halkan (Jeelka ) ka bartaan.

waxaana jira dhagaxa noolayntiisa waxaa ka qiimo badan qofka bini’aadamka ah noolayntiisa, taas oo ah in qofka maskaxdiisa la nooleeyo oo la koriyo, markii ay hay’adu codsigaa naga aqbashay waxay noo keeneen 50 kiish oo sibidh ah iyo 7 lawdh oo niis ah, iyada oo uu taliyuhu balan kala galay in anagu wixii kharashaad ah ee kale in aanu iska dabarno, markaa maantana waxaanu maraynaa in aanu samayno jaajuur tayo ahaan wanaagsan, anagoo intii hore ee dhaqaale lagaliyay ka soo saarnay isla markaana hawsha halkaa ka sii wadi doona, iyada oo aanu wax soo saarka badino, waxaa aad jaajuur arkaysaan ee rasaysan iyo kaa imika gacanta lagu hayaaba way iibsan yihiin oo halkaana waxaanu xabsi ahaan soo korhinay wax-soosaarkii ganacsi ee asluubta lagu yaqaanay, waliba waxaanu samaynaa jaajuur kuwa kale ka tayo wanaagsan kana jaban maantana dawlada iyo shicibkuba way naga iibsadaan”.


Taliyaha xabsiga dhexe ee Hargaysa oo ka hadlayay faa’iidada ay samaynta jaajuurkani xabsi ahaan iyo maxaabiis ahaanba u leedahay waxa uu yidhi ”jaajuurka aanu samaynaa wax yaabo badan oo faa’iido ah ayuu xabsiga iyo maxaabiistaba u leeyahay waxaana jirta in mishiinkii laydhka oo naga fadhiyay aanu lacagtii macaashka jaajuurkaa ka dayac tirnay oo uu imika noo shaqaynayo,waxaa kale oo intaa dheer maxaabiistu haday xidhan yihiin inay nolosha halkaa kaga dhacaan ma aha waa inay helaan nafaqadii uu qofku u baahnaa haday dawo tahay iyo haday cunto noqotaba, markaa maxaabiistana marba intaanu waxoogaa u uruurino ayaanu xoolo ugu qalaa, waxaa kale oo intaa dheer maanta raga jaajuurka samaynaya waxaa ka mid ah rag xanuun sanayay oo qaarkood macaan lahaayeen markii ay shaqada qabteen ee ay dhidideen isla markaana uu jidhkoodii shaqeeyay ka caafimaaday”.

Taliyaha xabsiga oo ka hadlayay waxyaabaha kale ee ay soo saarayaan waxaa uu yidhi “waxaa kale oo imika noo diyaar ah al-xankii waxaanan hada 300, oo sariirood u samaynaynaa xabsiga Madheera, waxaa kale oo aanu doonaynaa in aanu bilawno albaabadii birta ahaa oo aanu shicibka ka iibino, qorshahayaguna wuxuu yahay in aanu halkaa kasii wadno oo aanu balaadhino wax soosaarka isla markaana maxaabiista halkan soo gashaa ay ka baxaan iyagoo wax bartay oo markay bulshada dib ugu noqdaan shaqadii qaloocnayd ka baxaya oo wadada saxda ah ku shaqaysanaya ,iyo inaanu maxbuusku iska xidhnaan ee loo faa’iideeyo laguna jiheeyo waxbarasho.haday dhismaha tahay iyo haday alxanka tahayba”.

Intaa ka dibna wuxuu taliyaha xabsigu hadalka ku ware jiyay taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax(Xiirane), taliye xiirane ayaa bulshada Somaliland u soo jeediyay in qofka marka la xidho ee uu dambi galo inaan loo qaadan in aanu ka soo noqon Karin waxaanu intaa ku daray in ciidanka Asluubtu ay yihiin dugsi dib usoo barbaariya isla markaana dariiqii nolosha ee saxda ahaa ku soo celiya qofka dambi gala, waxaanu intaa ku daray in xabsiga dhexe ee Hargaysa uu leeyahay wax soo saar wax badan u qabanaya bulshada.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Aasluubta oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “waxa kaliya ee aan halkan bulshada Somaliland uga sheegayaa waxaa weeyi qofka maxbuuska ahi xuquuq ayuu inagu leeyahay waxaana waajib inagu wada ah in aynu ilaalino oo aynu daryeelno, nafaqo ahaan iyo cunto ahaanba, markaa waxaan leeyahay bulshada wax soo saarka xabsiga Hargaysa ayaanu maxaabiista ku daryeelaynaa ee naga iibsada. waxaa kale oo aanu idiin balan qaadaynaa in ciidanka asluubtu uu noqdo hay’ad wax soo saar oo dalka wax badan ku soo kordhisa, jaajuurkaa aad arkaysaan waa kii ugu tayada wanaagsanaa ee dalka lagu sameeyo isaga oo waliba ka jaban qiime ahaan ka suuqa lagu iibiyo,markaa waxaan dadka leenahay wax soosaarka xabsiyada iibsada ogaadana qofku haduu dambi galo oo la xidho in aanu noloshii halkaa kaga hadhin ama aanay u dhamaan bal se ciidan asluub ahaan waxaanu balan qaadaynaa in aanay halkani jeel la isku xidho oo keliya uun noqon bal se ay ahaato dugsi wax lagu barto oo qofkii dambi galay ee la soo xidhay inta uu xabsiyada dalka ku jiro in aanu aqoon barno, oo uu ku xoogsado si uu dadkiisii ku dhex gali karo” ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Somaliland.

Intaa ka dib waxaa halkaasi hadal ka jeediyay qaar ka mid ah maxaabiistii la baray farsamada dhismaha ee xiligaa jeelka ku dhex samaynayay jaajuurka .

mid ka mid ah maxaabiistii hore ee budhcad badeedii laga keenay dalka siishilis oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Maxamuud Aw Cabdi (Qayliye) ayaa sheegay in markii hore uu yaqaanay xirfadiisuna ahayd sida badaha looga shaqaysto iyo kaluumaysiga, imikana uu xabsiga Hargaysa ka bartay xirfad uu berriga kaga shaqaysan karo, waxaanu intaa ku daray in wax dhibaato ah oo uu qabaa aanay jirin isla markaana uu la siman yahay maxaabiista kale ee ay wada xidhan yihiin Waxaanu yidhi “waxaan ahay Maxamed Maxamuud Aw Cabdi (Qayliye) maxbuus ku xidhan Somaliland oo ku eedaysan budhcad-badeed, Macaan ayaa igu dhacay markuu xanuunkaa macaanku igu dhacayna shaqo ayaa naloo sameeyay waanan wanaag sanahay wax dhibaato ah oo aanu gaar u qabnaana ma jirto, waxaanu la simanahay oo aanu la mid nahay maxaabiista dalka u dhalatay,marka laga reebo xoriyadii oo naga maqan ,intaa ka dib waxaa naloo sameeyay xirfad waxaanay markii hore ahayd shaqadayadu inaan ka xoogsano badda, imikana waxaa nala baray farsamada gacanta waliba waxaanu jecelnahay haddii xirfadaa aanu baranay nala siiyo shahaadadeeda waanu ku shaqo tegi doonaa, waxaan halkan ka salaamayaa eheladayda oo ku nool Puntland gaar ahaan deegaanka Nugaal waxaanan leeyahay waan wanaagsanay dhibna ma qabno waxaan ahay maxbuus wax baranaya”.

Axmed khaliif oo isna ka mid ah maxaabiista xabiga dhexe ee Hargaysa ku xidhan oo sheegay in laga soo xidhay dalka Sishilis, ayaa tilmaamay in uu dhibaato badan kala kulmay intii uu ku jiray xabsiyada Siishillis waxaanu intaa raaciyay in xadhiga xabsiga Hargaysa aanu dhibaato ku qabin isla markaana xadhigooda ay ku bedesheen aqoonta ay xabsiga ku heleen. Isaga oo xusay in aqoonta iyo waxbarashada la wadan karo xataa haddii aad xidhan tahay.

Somaliland.Org/Hargeysa