Xukuumadda Oo Xiligii Sharcigu Jideeyay Miisaaniyadda Ku Horgeynaysa Golaha Wakiiladda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ku guulaysatay inay odoroska Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013 ay ku horgeyso Golaha Wakiiladda xiligii sharcigu jideeyay oo ah dabayaaqadda Bisha December.

Waxa lagu wadaa in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdi C/Casiis Maxamed Samaalle uu Golaha Wakiiladda Arbacadda Berri horgeeyo Miisaaniyad sanadeedka 2013 ee dawladda dhexe iyo kabka Dawladaha hoose ee dalka oo isu geyntoodu tahay 185 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyaddan ayaa 125 Milyan oo Dollar yihiin Miisaaniyadda xukuumadda dhexe halka 60 Milyan oo Dolar-na yihiin kabka xukuumadda dhexe siiso dawladaha Hoose ee wadanka.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badnayd ee dalku yeesho, ayaa miisaaniyaddii kal-hore oo ahayd 106 Milyan oo Dollar, waxa Miisaaniyaddani ay ka badan tahay 17%. Waxaana ka muuqda inay ku timid dedaal iyo juhdi adag oo Wasaaradda Maaliyaddu u gashay inay horumar isa soo taraya ka sameyso kor u qaadista dakhliga iyo cashuur ururinta.

Odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2013-ka ayaa Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu gudoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay qalinka ku duugeen meel marinteeda. Waxaana lagu wadaa In Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle horgeeyo berri Golaha Wakiiladda.

Miisaaniyaddan oo la weriyay inay ka kooban tahay dakhli iyo kharash isu dheeli tiran waxa ku jiraa mashaariic badan oo hourumarineed oo ay ka mid tahay qeybinta darajooyinka ciidammadda, kor u qaadista adeegyadda waxbarashadda, caafimaadka, waddooyinka iyo adeegyadda kale ee daruuriga ah.

Sidoo kale, waxa Miisaaniyaddan ku jira kharashaad badan oo loogu tallo-galay sugida nabad-gelyadda, maamul fidinta iyo siyaasadda dibadda Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com