Ha’yad Ceel Biyood ka Hirgelisay xarunta agoomaha Burco

Burco (Somaliland.Org)-Haay’adda Iqaasal Islaamiyal Caalimiya oo laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta ka Furtay Magaaada Burco ceel Biyood laga hirgaliyay Xarunta Agoomaha Burco ee Al-Xaramayn.

Xaflad loo sameeyay furitaanka ceel Biyoodkan waxa ka soo qayb-galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, Cuqaal,Culimadda Gobolka Togdheer,waalidiin iyo waxgarad kale oo tiro badan.


Maamulaha Xarunta Agoomaha ee magaalada Burco Shee kh Maxamed Shugri oo ka hadlay xafladaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada xarunta agoomaha ee magaalada Burco.

Sheekh Maxamed Shugri waxa uu sheegay in baahi badan ay ka taagnayd xaruntani islamarkaana waxa uu mahad celin balaadhan u soo jeediyay Haay’adda islaamiga ah Iqaasal Caalamiya oo uu sheegay in ceel biyoodkani ay ka hirgaliyeen xaruntaasi uu wax tar weyn u leeyahay ardayda iyo bulshada xaafadaasi ku dhaqanba.

Yuusuf Al-Muhandasi oo ka mid ah Saraakiisha Haay’addaas una dhashay dalka falastiin, ayaa sheegay in Haay’adoodu ay hore sahamin badan uga samaysay deegaamo badan oo Somaliland ah iyo kuwa ku yaala Somaliyaba islamarkaan ay go’aansadeen in ceel biyoodkani ay ka hirgaliyaan xarunta agoomaha ee magaalada Burco oo baahi weyn u qabtay biyaha.

Waxaana sidoo kale masuulkani uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo cid kasta kaalin weyn ka qaadatay sidii uu u taaba gali lahaa hirgalinta ceel biyoodkani.

Muuse X.Cabdi oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ka hadlayay madashani lagu kal gudoomanayay ceel biyoodkani ayaa mahad celin balaadhan u soo jeediayay haydani islaamiga isagoo ku tilmaamay talabadani laysku kalmaynayaana inay tahay mid ku dayasho mudan oo looga baahanyahay in haydaha kalena ay ku daydaan.

Ugu Danbayntiina waxaa iyana ereyo isugu jira mahad celin iyo guubaabo halkaasi ka soo jeediyay qaar ka tirsan culumadda waaweyn ee Gobolka Togdheer oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Cali Warsame,Dr . Cabdi Raxmaan Axmed Raage iyo waayeel kale oo tira badan.

Si Kastaba ha ahaatee ceel biyoodkani oo dherer ahaan gaadhsisan in kabadan 160mitir ayaa isagu ka mid ah mashaariicda ay wasaarada macdanta iyo Biyuhu kaga hirgalinayso Gobolka Togdheer ceel biyoodyo iyadoo la kaashanaysa hayadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

Somaliland.Org/Burco