Golaha Deegaanka Gabiley Oo Doortay Maayar Iyo Maayar Ku xigeenka cusub

Gabiley (Somaliland.org):-Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Gabiley ee dhawaan la soo doortay ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay, waxaanay munaasibada dhaarinta ka dib doorteen maaayar iyo maayar ku xigeen.

Muddaneyaasha cusub oo ay hoolka shirarka ee dawlada hoose ku dhaariyeen garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi jeex , ayay xildhibaanadu isla goobta dhaarintu ka dhacday ku yeesheen fadhigoodii u horeeyay, waxaanay maayarka cusub u doorteen Md Shucayb Maxamed Muuse, oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE, halka ay maayar ku xigeena u doorteen Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay urur siyaasadeedka UMMADA.

Munaasibadan dhaarinta iyo fadhiga doorasho isugu jirtay waxaa goob joog ka ahaa 21-ka xubnood ee golaha deegaanka degmada Gabiley, badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur, badhasaabka ku xigeenka, taliyaha qaybta ee ciidanka booliska, maayarkii hore, xoghayaha dawlada hoose, garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi jeex iyo saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee booliska degmadaasi.

Badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur, oo munaasibada dhaarinta muddaneyaasha ka dib la hadlay ayaa u soo jeediyay sida uu sharcigu dhigayo in uu shir guddoomiyo fadhiga koowaad ee golaha deegaanka xildhibaanka ugu da’da wayn, iyada oo ay xildhibaanadii halkaasi joogay isla garteen in uu ugu da’a wayn yahay Md Cali oo ka soo baxay urur siyaasadeedka WADDANI.

Waxaanu Md Cali.. oo hagayay fadhigaasi ku wargeliyay xildhibaanadii madasha fadhiyay in la guddo galo doorashada maayarka iyo ku xigeenka, isla markaana ay istaagaan muddaneyaasha doonayay in ay u tartaamaan, waxaana halkaasi ka sheegay in ay jagadaasi u tartamayaan laba xildhibaan oo ka soo wada baxay xisbiga KULMIYE, oo kala ah Md Shucayb Maxamed Muuse iyo Md Cali Maxamed Sh. Saleebaan.

Shir guddoonkii fadhiga golaha hagayay ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay cod gacan taag ah u qaadaan labada xubnood ee jagadaasi u wada tartamayay, iyada oo uu Shucayb Maxamed Muuse uu helay 15-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka Md Cali Maxamed Sheekh Salaabaan, isna helay 6-cod oo uu la socday codkiisu, sidaas ayaana Md Shucay Maxamed Muuse ugu guulaystay in uu noqdo maayarka degmada Gabiley ahna duqa magaaladaasi.

Intaasi ka dib ayaa Shir guddoonkii fadhigaasi shir guddoominayay waxa uu mar kale ku wargeliyay muddaneyaasha in ay is-taagaan xildhibaanada u tartamaya jagada maayar ku xigeenka, iyada oo ay shaaciyeen in ay u tartamayaan Md Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay ururka UMMADA iyo Md Cumar Cali Obsiiye oo isna ka soo baxay xisbiga UCID. waxaanu Md Cabdi Yuusf Goole helay 13-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka Md Cumar Cali Obsiiye isna helay 7-cod oo uu la socdo codkiisu, sidaas ayaanu jagada maayar ku xigeenka ugu guulaystay Md Cabdi Yuusuf Goolle.

badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur, oo markii fadhigaasi uu soo dhamaaday ka dib halkaasi ka hadlay ayaa hadalo dardaaran iyo duco isugu jiray u jeediyay xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Gabiley ee la dhaariyay iyo maayarka cusub in ay si cadaalad ah ugu shaqeeyaan shacabkii soo doortay, waxaanu Md Axmed sheegay in golaha cusub uu noqdo mid ka shaqeeya horumarinta degmada waxqabad muuqadana ay sameeyaan muddada ay xilka hayaan si hadhaw loogu xasuusto. badhasaabka Gabiley ayaa Sidoo kale amaan iyo mahad naq u soo jeediyay golihii deegaanka ee hore iyo maayarkii hore.

Taliyaha qaybta booliska ee Gabile iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka nabad geliyada oo iaygna halkaasi ka hadlay ayaa iyagna ku amaanay golaha cusub qaabka dimoqraadiyada iyo ssshufnaantu ku dhaahan tahay ee ay u qabsadeen doorashadooda isla markaaana aanay ka muuqan is qab-qabsiga iyo muranku.

Weriye Khadar Cabdi Muuse
Somaliland.Org/Hargeysa
Titanic058@hotmail.com