Maayarka Hargeysa Oo Kulan laab Xaadhasho ah la yeeshay 4 Xildhibaan oo aan joogin doorashadiisii

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maayarka cusub Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah magaaladda Hargeysa ugu sameeyay 4 xubnood oo ka mid ahaa 10-kii Xildhibaan ee shalay aan ka soo xaadirin fadhigii u horeeyay ee golaha deegaanka caasimadda.

Xildhibaanadan oo magacyadoodu kala ahaayeen Axmed Cali Haybe, C/risaaq Faarax Qawdhan, Khaalid Cabdi Cawad iyo Mustafe Cismaan Daahir.


.“Ma jiro wax khilaaf ah oo na soo kala dhex galay, balse habkii la isku dooranayey ayaa wax ka khaldameen,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Cali Haybe, oo ka hadlay kulankaasi qado-sharafta ahayd ka dib. Waxaanu intaasi ku ladhay “Annagoo tix gelinayna shacbigii na soo doortay, waanu Hambalyaynaynaa lana shaqaynaynaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka shalay la doortay ee Golaha deegaanka Hargeysa”

Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa ahna Maayarka caasimadda Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Xildhibaanaddan, waxaanu sheegay inay ka wada shaqayn doonaan danta qaranka.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xamarji oo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa kula taliyey xildhibaanada cusub inaanay noqon sidii xildhibaanadii hore.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com