Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Oo Furay Shir Lagu Falan-qeynayo Xeerka Anshaxa Garsoorka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Maxkamadda sare Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta kulan ku saabsan dhamaystirka xeerka nidaamka anshaxa garsoorka dalka uga furay Gudoomiyayaahsha Maxkamadaha dalka xeer ilaaliyayasha iyo hawl-wadeeno kale oo ka socday bahda caddaaladda.

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in xeerka nidaanka anshaxa garsoorku uu qabyo ahaa tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii, waxaanu tilmaamay inay tallooyin iyo aragtidooda ku daraan xeerkan oo saamayn ku leh hawl maalmeedkooda shaqo.

Md Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu sheegay in xeerkan marka la dhamaystiro lagu dabbiqi doono labada waaxood ee garsoorka iyo garsoorayaasha, halka sidoo kale xeerkani bulshada u saamaxayo inay cabashooyinkooda la iman karaan waaxyaha garsoorka.

Xeerka lagu lafo gurayo kulankan socon doona mudada sadexda maalmood ahina uu yahay daraasado iyo aaraa ay soo ururiyeen bahda garsoorku sanadkii ina dhaafay ee 2011.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com