Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay Inuu Aaminsan Yahay In Codad ay lahaayeen Laga Shubtay

Hargeysa(Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta ayaa hambalyo u diray Maayarada iyo Ku xigeenada Magaalooyinka Hargaysa iyo Ceerigaabo ee sida Sharciga ah maanta loo doortay,waxaa kale oo uu Mahadnaq kan la mid ah u diray Guud ahaan Golayaasha Deegaanka ee sida Sharciga ah isu doortay.

Muuse Biixi oo maanta u waramayay warbaahinta qaranka, waxa uu xusay in tabasho kasta oo ka dhalata doorashadii golayaasha deegaanku ay haboon tahay sidii loogu dhamayn lahaa hanaanka is qancinta iyo wada hadalka ay Somaliland ku soo caano maashay. Waxa kale oo uu sheegay inaan la dhaawicin doorashadii sida wanaagsan uga qabsoontay Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mar uu ka hadlayay Golayaasha Deegaanka ee doortay Hogaankoodii waxa uu sheegay inuu Gole kastaaba xaq u leeyahay inay iska dhex doortaan cida hogaaminaysa, hasa ahaate waxa uu xusay in loo baahan yahay inay raacaan Xeerka doorashada golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in meesha keliya ee uu hadal ka taagan yahay ay tahay degmada Saylac oo uu tilmaamay sidii is af-garad looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhashay doorashadaasi.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga waydiiyay hadal haynta xoogan ee ku wajahan in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay Codadkii doorashadii Golayaasha Deegaanka waxa uu ku dooday inay arrintaasi tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo intaas ku daray in hadii cid lagaga Shubtay ay aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye lagaga Shubtay Codad uu lahaa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com