Guddoomiyaha Guurtida oo Daboolka ka qaaday In Laga gudbi doono muranka Doorashadda Deegaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta ka war-bixiyey safar caafimaad oo uu ugu baxayo dalka dibadiisa.

Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu xusay inuu safar caafimaad ku tegi doono dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay ugu horayn inuu la sii dardaarmayo saxaafadda Somaliland oo uu kula taliyey inay hoos u dhigaan waxii aan haboonayn ee la xidhiidhadoorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay dhamaadkii bishii Novembar.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu tilmaamay inay shay dabiici ah tahay in meel kasta oo doorasho ka dhacdo ay bulshada ku dhaqani kala qaybsanto muddo kooban, balse midnimadu ay tahay ta ay ku dambeeyaan mar kasta oo ay iska dhamaato is qab-qasiga ka dhasha doorashadaas.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay in golaha Guurtida Somaliland uu ku jiro doorkii uu bulshada ugu jiray oo aanay jirin waxyaabo isku dhac ah oo bulshada dhex-maray wax kastana ay ka hawlgelayeen, nabadgelyaduna ay tahay aasaaska ay ummadani ku soo caano maashay.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo ka hadlayey xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda iyo golahiisa waxa uu caddeeyey inuu jiro xidhiidh aad u wanaagsan iyo wada shaqayn ay la leeyihiin xukuumadda somaliland.

Somaliland.Org/Hargeysa