Shir Lagu dejinayo Qorsheyaasha sanadka 2003-ka ee Wasaaradda Caafimaadka Oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed Xuseen Xoog ayaa maanta furay kulan ku saabsan in lagu lafo guro waxqabadkii sannadkan dhamaadka ah u hirgalay Wasaarada Caafimaadka isla markaana lagu dejinayo qorshaha ku tallo gal ee Sannadka Cusub ee 2013-ka.

Shirkan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Hargeysa waxa ka soo qayb galay hay’adaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay iyo kuwa wadaniga ah ee gacanta ka gaysta horumarinta adeegyada caafimaadka.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkani yahay mid saddex bilood ah oo lagu qiimeeyo xaalada waxqabad ee Wasaarada Caafimaadka iyo hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ujeedada ugu weyni ay salka ku hayso sidii loo dejin lahaa qorshaha ku tallo-gal ee Wasaarada Caafimaadku ku hawl gali doonto sannadka soo socda ee 2013.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadku waxa uu ka waramay waxqabadkii u hirgalay,Caqabadihii ka hor yimid iyo dariiqa ugu habboon ee looga Gudbi karo.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Caafimaadka Khadar Maxamud Axmed ayaa halkaasi ka hadlay.
Shirkan waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka, Isu duwayaasha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolada iyo Saraakiil kale.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa