Runtu ma Fantaa :Calsow & Diridhaba-ow intaad taabsiiseen xanuunka ilaahay ha badbaadiyo

By: Sahra B. Ismaaciil (Lucky)-Lubnaan.

Salaanta islaamka ka dib, annigoo muddo isweydiin jiray sababta nin la yidhaahdo Dahir Calasow ugu foogan yahay masabidka iyo ka-been-abuurka dad badan oo sharaf ku leh ummada dhexdeeda iyo shirkado maanta ugu jira soomaalida halkii qaranimadda, oo marka la maqlo lagu xasuusto sida (Dahabshiil Co.), ayaan intaanan, jawaab u qalanta raadin, haddana xusuustay, aayadii ilaahay inoogu sheegay hadii faasaq war idiinla yimaado hubsada, ayaan degelada kala kulmay maqaal dhinac walba ka tilmaamaya shaqsiyadda iyo xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan sababaha uu ninkani u caadaystay ficiladaa guracan, oo dhab ahaan, maalin danbena, intii noolaata arki doonto isaga iyo shuraakadiisa sharka oo mara ciqaabaha dunuubtooda, la kulmay maqaalkan uu hore uga qoray : Khaalid Cabdullaahi Cali, oo degan magaalada Minnesota.

Haddaba, annigoo jecel inaan mar labaad la wadaago akhristayaasha maskax caafimaad qabta ku kala qiimayn kara qoraal ay daalacdaan, una dhaafi doono, go’aankooda inay sax tahay dhaliisha iyo dhaleecaynta aan halkan ugu hurayo isaga (Calasow) iyo kuwa kula shuraakoobay hagardaamada ummada, sida nin qora degelka Halbeeg, laguna naanayso Diridhaba, ayaan jecelahay inaan isu daayo akhristayaasha iyo qoraalka hoos ku qoran, oo lagu bilaabay:

Waxaan aqriyaa bogagga Internetka ee Somalida si aan bal dhacdooyinka waddanka uga helo, sidaa darteedna waxaan isu maraa bogag badan oo Soomaliyeed.

Inta badan bog walba oo Soomaliyeed xitaa haddii marka hore aanan ogeyn cidda (qolada, qabiilka) iska leh, haddana dhowr maalmood markaan aqriyo waan gartaa, waayo waxaa markiiba ka soo if baxaya cudurkii (qabyaaladdii) na dilootey ee caalamka naga reebtey. Dulucda ayaa waxay tahay, markaan aqriyo bogga internetka ee waagacusub ayaa waxaan ku arkaa qabyaalad qaxayan oo mar walba banaanka si aan xishood laheyn loola taagan yahay. Haddaba maxaan uga jeedaa taasi?

Boggani wuxuu colaadiyaa qabiilada Soomaaliyeed oo kale, wuxuu wax ka sheegaa (Criticism) siyaasiyaanta qabiilada kale oo dhan, si kala daadegsan (Hierarchal), tusaale ahaan, Irir ayuu ka raacaa Somalida inteeda kale, deetana Hawiye ayuu ka taageera markey noqoto Hawiye iyo inta kale, deetana Habar Gidir ayuu ka taageera Hawiyaha, misna sacad ayuu ka taageeraa qabiilka Habar Gidir, sidoo kale wuxuu buunbuuniyaa siyaasiyiinta beesha uu ka dhashey si indho la’aan ah. Dhowr tusaale aan keeno.

Cadde Muuse iyo Kimiko.
Labadaan muwaadin waa mas’uuliyiin Soomaliyeed oo xaq u leh in si cadaalad ah wax looga wada sheego. Waxaad arkeysaa in fursad walba oo la heli karo wax looga sheego Cadde Muuse iyo Puntland, laakiin Kiimiko laga dhigo Malaa’iik aan waxba qaldin. Aqriste taasi macquul ma tahay is weydiiyoo in laba hoggaan midna uu qalad ku jiro had iyo jeer midna uusan sidiisaba qaladka gelin? Maxay ka dhibeysaa haddii Dahir Calasow uu Kiimikana qaladkiisa sheego, sow uun horumar uun ma aha? Dahir Calasow ma karo inuu qof qabiilkiisa u dhashey wax ka sheego.

Cabdi Qeybdiid iyo Indha Cadde

Labadan shaqsi waa shaqsiyaad Somaliyeed, taariikhda ayaa xusi doonta iyo ugu danbeyn rabigii abuurtey oo la socda waxay banaanka keenayaan iyo waxa ay qarinayaanba. Waxaanse aragnaa in Dahir Calasow uu si aad ah u jecel yahay inuu wax ka sheego Indha Cadde, mar uu leeyahay diin waxba kama oga, mar leeyahay dad buu webiga ka gadi jirey. Indha cadde waa shaqsi amaan iyo cayba yeelan karo, laakiin waxaanan arkin isagoo si la mid ah sidaas wax uga sheegaya ninka la yiraahdo Cabdi Qeybdiid ee ay isku jifada yihiin.

Cabdi Qeybdiid sow ka mid aheyn raggii la diirey culimada oo iibgeyn jirey isaga iyo Suudi iyo Xaabsade iyo Qanyare iyo xaaraan kuu naaxayaasha oo dhan, sow Indhacadde ugu uma gargaarin wuxuu doonaba ha ka watee wadaaddada oo liita, wax in laga sheego waa ok, laakiin aawey eedihii QaybDiid? Aqriste ma dhici kartaa in Cabdi Qeybdiid uu ceeb ka saliim yahay? Maxay ka dhibeysaa Dahir Calasow inuu labadaba ceebtooda sheego? Dahir Calasow labadan isku qabiilka ah wuu sii kala xigsadaa. Ceyr wuxuu had iyo jeer ka sheegaa iney yihiin dad raba iney wax boobaan oo magic diineedna huwan yihiin oo dhul boob ku jiraan, laakiin wax ka sheegistaas wanaag iyo caddaalad kama aha ee waxaa uun uu diiddan yahay wax boobayaashii isaga ay isku lafta ahaayeen iney sawirka haatan ka maqan yihiin. Wuxuu is xusuusiyaa uun markii Gen Caydiid iyo Professor ku sheeggii (Maata Leys) Maxamed Faarax Jimcaale iyo Xuseen Caydiid ay sawirka ku jireen oo boobka iyo dilka hoggaanka u hayeen. (Xusuuso Somaliya waa lagu faanaa dilka, boobka iyo dhaca iyo tuulo iyo magaalo qabsashada, qabiil walba kii ka daalimsan ayaa ka wanaagsan, Somali Style )

Buun Buuninta siyaasiyiinta reerkiisa Xuseen Caydiid
Xuseen Caydiid waa shaqsi Somaliyeed ee u dhashey beesha Dahir Calasow, laakiin taasi qof fiican iyo shaqsi xun midna kama dhigeysee, qofka camalka ayaa waxaa uu yahay ka dhiga, Xusuuso Professor Caddow waxaa uu u dhashey beeshaasi sacad oo aan ognahay wax galnimadiisa, diiintiisa iyo Somalinimadiisa. Weligeed ma maqasheen Professor Caddow ayaa dhul booby, ama masaakiin laayey ama halaag horseedey? Haddaba Xuseen Caydiid ma dhihi karnaa waa Siyaasi Somaliyeed? Taariikhdiisa markaan dib u eegno midda dhow, sow kama mid aheyn raggii Itoobiya waddanka keeney? Somaliyeey ma illoowi karnaa hadalkii Xuseen Caydiid ee ahaa Itoobiya iyo anaga waxaan isku darsaneynaa dalka, xudduudada ayaan isu fureynaa, markaa ka dibna baasaboorada ayaan isku darsaneynaa? Sow ma aheyn ninka ku soo hoggaamiyey Amxaarada waddanka oo ka qaatey talaabo firfircoon, weliba ku faraxsanaa. Somaliyeey ma illowi karnaa sida Xuseen Caydiid iyo kuwo isaga ku caqli ah Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ugu diideen inuu Villa Somaliya oo uu xaq u lahaa dego, misna xitaa waajibkiisii Madaxweynenimo ku guto Muqdisho. C/laahi Yuusuf markuu dejiyey Villa Somalia maxay jawaabtiisu noqotey? “HE IS NOT NORMAL” Qof caadi ah ma aha! Sidaas waxaa yiri C/laahi Yuusuf, malaha wuuba u qalmaa jawaabtaasi oo caadi maba aha oo C/laahi Yuusuf-na waaba ku saxnaa ma is tiri?. Waxaad si wanaagsan uga dhergi kartaa caqliga gaaban ee Xuseen Caydiid Youtube markaad ka daawato isagoo Ingiriisigiisa jajaban ku caayaya culmida Islaamka, isagoo leh “Somaliya uma ogolin wax diin ku dhaqmaya” isagoo is tustusaya weriyaha si aan mas’uulnimo aheyn, caruurtii magaciisa u dagaalantey ee ku u baaba’deyna caayaya isagoo leh “Waxaan leeyahay mooryaan iska dhinta oo dhimashada aan ka baqin oo qorigaaga adigoo nool kaa qaadanaya”, haddaba wiilashaasu hooyo ayaa dhashey oo sagaal bilood calool ku siddey umana ay dhalin inuu Xuseen Caydiid dagaalo ku laayo deetana si axmaqnimo ah ugu faano ee waxay u dhashey iyadoo rajeyneysa iney noqdaan dad wax bartey oo dalkooda iyo diintoodaba anfaca, waalidkoodiina wax tara, akhriste ma rabtaa wiilkaaga ama walaalkaaga inuu isagoo 15 ah u dhinto Hogaamiye kooxeed xaaraami ah, haddaba xusuuso kuwaasina hooyo ayaa dhashey, mise kulama aha?

Taariikhdiisa fogna Xuseen Caydiid, waxaanu ognahay inuu ka yimid Mareykanka oo Aabihii Maxamed Faarax Caydiid ka dhaxley Gobolo (Bay iyo Bakool) iyo dadkii degganaa iyo beerahooda iyo guryahooda iyo hantidoodaba. Qofka marka uu ka yimaado Adduunyada horey u martey waxaad ka fileysaa inuu ahaado qof yaqaana xuquuqda iyo sharafkta bani’aaddanka, bal ka waran qofka ka yimid America ee xuquuqdiisa lagu dhowrey halkaasi ee ummadda wanaag ka sugeysey oo is beddel laga sugayey oo isaga kala wareegey Aabihii dad beeraley ah oo aan rabsho iyo fidno midna aan aqoon, oo moryaan guryahooda ay gubaan, gabdhahooda kufsadaan, baadna ka qaataan.

Deetana mar Xuseen caydiid BBC-da laga wareystey ee la weydiiyey, ciidamadaadaa Baydhabo Xoogga ku heysta dadka wey dhacaan, wey boobaan, weyna kufsadaan ee maxaad kaga jawaabeysaa? Wuxuu ku jawaabey, dadka deegaanka (uu xoogga ku heysto) iyaga ayaa isir u leeh kufsasho, Qofkaasi muxuu kuu yahay akhriste? Bal ka soo qaadd in Gobolkaasi yahay gobolkaaga, dadka sidaa loo galayana yihiin dadkaaga, gabadha la kufsanayo tahay walaashaa ama xaaska, hooyada la kufsanyo ama la dilayo tahay Hooyadaa? Maxaad ku sifeyn laheyd qofka America uga yimid inuu sidaa kuu galo?

Dahir Calasow qofkaasi wuxuu u yahay Halyeey Soomaliyeed, shaqsi fiiro dheer iyo Injineer mabda’ adag oo aan loo dhawaan karin, iyo siyaasi laga baqey caqligiisa iyo kartidiisa. Dahir Calsow haddii Xuseen Caydiid aysan isku qabiil ahaan laheyn tolow sidaa ma u arki lahaa? Ilama aha.

Gunaanad

Culumada ku taqasusey Sayniska Bulshada (Social Science) waxay caddeeyeen oo inta badan isku raaceen in ruuxa bani’aaddamka ahi uu mar walba wax uun si gaar ah ugu janjeero wax kalena sidoo kale si gaar u neceb yahay (prejudice), laakiin tusaale ahaan marka isla shaqsigaasi laga rabo inuu ama cilmi baaris (Research) sameeyo, ama wixii uu cilmi barista ku sameeyeyba uu qorayo (Publication) waxaa waajib ka saaran yahay inuu si aan eexasho (Bias) laheyn u qoro wixii uu soo ogaadey (findings).

Sidoo kale wararka calasow (Hadiiba waxuu sheeganayo dhab tahay tahay ‘saxafi’), anniga iyo inta ila aragti ah ee maskax caafimaad qabta wax ku qiimaysaa uma arkaane, inuu qoro ama soo gudbiyaan-ba warar aan cid si gaar ah loola beegsaneyn, cidna aan loogu eexaneyn, haddii taa ay dhici weysana sharci baa ka yaala (Ethical codes) oo waa la isku qabsadaa. Dahir Calasow, adiga iyo inta kugu caqliga ahba illaahey ha idin caafiyo, cudurkiinana illaahey inta ka caafimaad qabto ha ka badbaadiyo inta aad ku taabatey ee Virus-ka qaadeyna alla ha badbaadiyo.