Golaha Deegaanka Caasimadda oo Doortay Maayar Iyo Ku xigeen

Harge.ysa (Somaliland.Org)- Golaha deeganka Caasimadda Hargeysa oo saaka yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey ayaa waxa dhaarisay Maxkamada Gobolka Hargeysa, waxaana markaa ka dib ay iska dhex doorteen Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa.


Fadhigan oo ay ka maqnaayeen xildhibanada ka soo baxay urur siyasadeedeka Xaqsoor ayaa waxa Maayarka Caasimadda loogu doortay Eng Yuusuf Warsame Siciid oo ka soo baxay xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye.


Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa waxay Maayar ku xigeen u doorteen Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo ka soo baxay xisbiga UCID.

Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa waxa u coddeeyay 15 xildhibaan, inkasta oo xildhibaanada Xaqsoor madasha ka maqnaayeen.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo shirkaasi gudoominayay ayaa sheegay in doorashadani sharci tahay kooramkuna buuxay. waxa kale oo isla maanta halkaasi lagu dhaariyay 15-ka Xildhibaan ee fadhigan ka soo xaadiray. waxaana maqnaa 10 xildhibaan oo kale.

Somaliland.Org/Hargeysa