Dad dano gaar ah leh ayaa doonaya inay dhantaalaan Horumarka Dugsiga Abaarso Tech

Sanadkii ina dhaafay, Abaarso Tech waxay nasiib u heshay deeq
waxbarsho oo ku dhan $500,000 si ay qaar ka mida ardayda dhigata
dugsigaa ugu diraan iskuulaad ku yaala wadanka Maraykanaka. Ardaydani
waxa ay soo bandhigeen dadaal dheeraad ah taasoo suurtogalisay in
dugsiyo badan oo ku yaala wadanka Maraykanka ay xiiseeyaan ardayda
Somaaliyeed. Qaar kamid ah guulaha uga sareeya eey ardaydani gaadhay
waxaa ka mid ah:

Mahamed Abdirahman Hussein, oo ka mid ah ardaydii la diray sandkii ina
dhaafay, ayaa wuxuu ku guulaystay kalinta saddexaad orod caan ah oo
loo yaqaano NEPSTA DIVISION I NEW ENGLAND CROSS COUNTRY Championships.
Waxa kale oo uu ku guulaystay oradka dugsigooda oo loo yiqaano,
Historic Pie Race. Dugsiga Maraykanka ah ee uu Mahamed Dhigto,
Northfield Mount Hermon, ayaa hada jaamacado badan oo Maraykanka ku
yaala la soo xidhiidheen si ay uga codsadaan in uu Mahamed soo bookhdo
jaamacadahooda.

Natiijooyinkii NEPSTA DIVISION I NEW ENGLAND CROSS COUNTRY:

http://www.coolrunning.com/results/12/ct/Nov10_NEPSTA_set1.shtml

Sheekada Pie Race

http://www.nmhschool.org/news/running-pie-race

Midkamid ah guulaha Mahamed soo hoyiyay:

http://trackandfield.nmhblogs.org/2012/12/03/mohamed-hussein-14-at-914-3000m-alden-invite/

Deka Abdirahman Aden, ardayad kamid ah ardaydii la diray, oo hada
qaadanysa saddex fasal oo ah kuwa ugu adag dugsigaasi ayaa dhawaan ka
qayb gashay kana hadashay goob lacag loogu uruurinayay dugsi hableed
oo cusub oo ku yaala Somalia halkaas oo lagu ururiyay lacag dhan
60,000 oo doolar. Deka waxay ay goobtaa kula kulantay maayarka
gobolka Massachusetts.

Naima Fuad Caydiid oo iyana kamida ardayda nasiibka u heshay inay
deeqda waxbarasho helaan sanadkan ayaa maamulayaasha ugu sareeya ee
dugisga ay hada dhigato, Taft School, si aada ah u jeclaadeen una
xiiseeyeen taasoo suurto galisay inay ugu balanqaadaan maamulaha
Abaarso tech, Mr. Jonathan Starr deeq waxbarsho oo dheerad ah sandkan
soo socda.

Isla Maalintii uu ka soo laabtay maamulaha Abaarso Tech Mr. jonathan
Starr, socdaalkiisii dheeraa ee uu ku tagay dalka Markaynka kasoo ku
salaysnaa radinta deeqaha waxbarasho ee ardayda Somaliland, ayaa nin
iyo ururkiisu bilaabeen in ay fafiyaan warar kutirikuteen ah oo kasoo
horjeeda Abaarso Tech, mamulkeeda iyo ardaydaba. Wararkan oo aan meel
lagu saleeyo lahayn ayaa ku andocooday in dugsigu ka soo horjeedo
diinta Islaamka. Sideedii cisho ee ugu danbeeyay ayaa wararkani sixun
u sii kordhayaan uguna faafyaan wadanka dhaxdiisa.

Waalidka iyo mujtamaca Somaliland ee taageera Abaarso Tech ayaa si
adag u cadeeyay in ay si fiican u ogsoonyihiin in dugsigu si sax ah
ugu dhaqmo diinta Islaamka iyo dhaqanka soomaliyeed. Dhab ahaantii,
culimo ka mid ah culimada ugu sareeya wadanka ayaa dhawaan boqosho
gaar ah ku yimid Abaarso Tech una cadeeyay ardayda in Abaasro Tech ku
shaqayso kuna dhaqanto diinta islaamka si ka badan dugsiyada kale ee
ku yaala wadanka. Qof kasta oo waxgarad u leh dugsiga Abaarso Tech
wuxuu ogsoon yahay in dugsigu si laxaad leh u taageero dhaqanka iyo
diinta umada Somaliland. Mamulka dugsiguna waxa uu ku dhaqaa ardayda
iyo macalimiintaba sharciyo adag oo si toos ah u tixgaliya dhaqanka
diinta islaamka.

Waxa nasiib daro ah in ninkan iyo ururkiisu aanay si naba uga noqonayn
ficiladooda ku waajahan xumaynta sumcada dugsiga. Beenaha badan ee ay
ka faafiyeen dugsiga waxaa ka mid ahaa in ay ku dhawaaqeen in muwaadin
caan ah oo si sharaf leh loo ixtiraamo uu ubadkiisii ka saaray
dugsiga. Iyada oo runtu tahay in waalidkani si dhab ah u tageerayo
dugsisga iyo wax qabadkiisa wanaagsan. Shaqsigani wuxuu kale oo
isticmaalay sawirada ardayda deeqda waxbarasho ku joogta dalka
maraykanga isagoo ku andacoonaya inay ka soo horjeedaan abaarso tech
iyo maamulaheeeda iyagoo ardaydaydani wacad ku maryaan maqaalo qoraala
in wararkani aanay sal iyo raad toona lahayn. Ninkan isku dayaya in uu
baabiyo dugisga ayaa isticmalay ardayda jaamacadiisa in ay fafiyaan
warar khaldan oo farabadan siiyayna dadbadan lacag si ay wararkan aan
salka lahayn oo sheegaya in Abaarso tech waxyeelaysay diinta islaamka
faafiyaan. Abaarso Tech wararka salka iyo raadka aan lahayn ee laga
faafiyay aad ayuu u cambaaraynayaa.Waxa Abaarso Tech u cad in ninkani
uu balanqaadyo lacageed u sameeyay arday ka baxday Abaarso Tech si ay
warar been ah u abuuraan. Qaar ka mida ardaydan laga eryay Abaarso
Tech ayaa ka soo hadlaya TV iyagoo leh habluhu ma xijaabtaan. Taasoo
ah been cad sababtoo ah ardayda iyo macalimiinta dugsiga waxaa ku
waajiba xijaab.

Abaarso Tech waxa ay u gudbinaysaa been abauurkan oo dhan cid alle iyo
cidii awood u leh in ay wax ka qabtaan arinkan. Imika waxay u eegtahay
in qaar ka mida warbaahintu ka soo horjeedsatay inay u gudbiyaan umada
wararkan kutirikuteenta ah. Abaarso Tech aad ayay ugu faraxsantahy
uguna mahad celinasaa dhamaantood. Hase ahaatee, qaarkamid ah
warbaahimaha ka jira wadanka ayaa ilaa hada wada sheekooyin khatar
galin kara dugsiga horumarkiisa iyaga oo aan hubin warka xaqiiqdiisa.
Waxay waliba faafinayaan warar is waydaarsan oo ay waliba ka tagayaan
sheekada nuxurkeeda. Tusaale ahaan ninka jaamacada samaystay ayaa TV
ka soo hadlay isagoo sheegaya in ay macalimiintu ku qasbeen in uu
jamacada websitkeeda xidho. Jamacadu waxa ay isticmaalysa astaanta iyo
magaca Abaarso Tech tasoo khal khal galinaysa macalimiinta, deeq
bixiyayaasha iyo ardaydaba. Sidaa ay uga hor tagaan khalkhalkaa ayaa
ay macalimiintuna si xushmad leh uga codsadeen in ay joojiyaan falkan
Abaarso Tech ka qaadaya xaquuqdeeda.

Halkan waxa ku taxan qaarkamidah xaqiiqaha ka jira dugsiga: Abaarso
Tech waxa ay leedahay sharciyo ixtiramaya diinta islaamka. Ardayda iyo
macalimiintaba waxa ku waajib ah in ay si xushmadleh u raacan
shuruucdaasi qofkii jabiyana waxa uu la kulmaa ciqaabo adag.
Macalinkasta oo Abaarso Tech imanaya waxa ku khasban in uu saxeexo
heshiis cadaynaya ixtiraamka diinta islaamka. Waalidka iyo ardayda
Abaarso Tech si hufan ayay u taageeraan dugsigooda. Abaarso Tech waxa
lagu bartaa carabiga iyo cilmiga diinta. Abaarso Tech waxa ku dhex
yaala masjid aad u wayn oo bilicsan ardayduna waxa ay xaq u leeyihiin
in ay ku cibaadaystaan wakhtikasta. Masjidka waxa ka eedaama arday
culimo ah tanina waxa ay farxad dheeraad ah galisaa walidkasta iyo
cidkasta oo soo bookhata dugsiga..

Iyada oo ay Abaarso Tech ku jirto wakhti adag oo ay soo wajaheen
caqabado farabadani, hadana Abaarso Tech mamulkeeda, macalimiinteeda
iyo ardaydeeduba waxay marnaba kama aysan baaqsan in ay dadaalkoodii
sii wataan. Hase ahaatee tani uma suurto galayso marhadii ay nasiib
xumo tahay in mamulka wakhtigoodii iiyo awoodoodii ku isticmaalaan in
ay dugsiga ka badbaadiyaan caqabadahan halkii ay horumar ugu raadin
lahaayeen ardayda mustqbalka. Tani waxa ay dhibaato xoogan u soo
jiidaysaa mustqbalka wadanka, ardayda, iyo dugsigaba waxaanay sababi
kartaa in arday fara badani ay waayaan fursadaha waxbarasho ee ay xaqa
u leeyihiin mar hadii dugsigu cadaadis aan kala go’ lahayn ku jiro.

Maamulka Dugsiga Abaarso Tech