“80 Cod Ayuu Madaxweynuhu Kursiga Kaga Tagay, waa Loo Duceeyay Madaxweyne ayaanu ku Noqday”

“Ramaax Wuxuu ahaa, Xamarjina Xaq Buu u leeyahay…”

“Xukuumadda waan ku ammaanayaa inay Doorashadda Iska Ban-baanisay, intii ay is dhawri karaysay…”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa tafaasiil ka bixiyay farqiga u dhaxeeyay doorashaddii Goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoomay 28-kii Bishii November 2012-ka iyo afartii doorasho ee hore.

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafintu waxa uu xukuumadda ka baraxay eedo loo soo jeediyo oo la xidhiidha inay faro-gelin ku samaysay hanaanka Goleyaasha deegaanka ee la doortay ku dooranayaan Hoggaankooda iyo arrimo kale.

Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Telefishanka qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay xilka qaadista badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil iyo dib u magacaabista Badhasaabka maroodijeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje).

Wasiir Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay waxa ay ku kala duwan yihiin doorashadii goleyaasha deegaanka ee bishi hore dalka ka qabsoontay iyo doorashooyinkii hore dalka uga dhici jiray, waxaanu yidhi “doorashooyinkii hore dalka uga dhici jiray iyo doorashadii dhawayd wax weyn ayay ku kala duwan yihiin, waxaana jira faraq u dhexeeya oo aad markiiba taaban karayso. doorashadan golaha deegaanka waa markii labaad ee ay dalkeena ka dhacdo, tan tii ka horaysay qaabkii loo galay iyo tii dhawayd qaabka loo galay laba kala duwan weeyi tirada musharixiinta tartanka ka qaybgalay laba kala duwan weeyi, waxa hagayay nidaamka sharciga, waxa kale oo faraq ay ku kala duwan yihiin ah wakhtiga ay doorashadu dhacaysay oo taa hore waxay ahayd doorashadii inoogu horaysay oo dadka xasaasiyad kuma ay lahayn, doorasho kastaaba ta ay ka danbayso ayay ka xasaasiyad badnaanaysaa oo dadka ayaa ku sii ilbaxaya, waxa kale oo waxyaabaha ay ku kala duwan yihin ugu muhiimsan nidaamka lagu galay, waxa kale oo ay ku kala duwan yihiin tirda dadka codeeyay”.

waxa kale oo uu Md Cukuse ka hadlay waxa sababay in doorashadani ay xasaasiyad keento “waxaynu nahay dal yar oo doonaya inuu nidaam dimuqraadiyadeed qaato, dadka ku nool dhaqaalihiisu yar yahay, waxaynu doonaynaa in aynu ku faano oo ka biyo keeno nidaamka dimuqradiyada hadana waxaynu doonaynaa in aynu ku tartano nidaamka qabiilka, labadaa nidaamna meel ma wada geli karaan, waa qolama musharixiinta soo baxay ayay dadkeenu ka horaysiiyaan xisbigee ama ururkee ayay ka soo baxeen, waxyaabaha muranka keenayaana waa noocaas oo dadkeena qaar ayaa waxba la’aan ka dhiga hawsha wayn ee doorashada oo faa’iido inoo leh”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “dawladani waxay u badheedhay inay doorashada goleyaasha deegaanka qabato, waanay ku guulaysatay, waxa ka soo baxay khaladaad meelaha qaar.Markay meel wax ka dhacaan waa odayga wax loo saar, xukuumadu inay saamayn ku leedahay in meesha lagu soo daraa dhaqankeena ayay ka mid noqotay, xukuumada waxaanu ku amaanaynaa inay tahay xukuumad inta ay iska ilaalin karayso iska ilaalisay kuna dadaashay in guddida doorashooyinka madaxbanaanidoodu noqoto mid dhamaystiran”.

Wasiir xigeenka oo la waydiiyay in xukuumadu faragelin ku samaysay doorashadii maayarka Berbera, waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE waxa uu haystay aqlabiyad 21-ka xildhibaan ee halkaasi Berbera ka soo baxay xisbiga KULMIYE waxaa uga soo baxay 9 xildhbaan, waxaa ku biiray labadii xubnood ee Rays, iyo xubin ururka Umadda ka soo baxday, aqlabiyadii looga baahnaa inay iyagu maayar iyo ku xigeen iska dhex doortaan way haysteen, arrintaasi ayaa dacaayadihii ka dhashay xukuumada ku soo riixay in la yidhaahdo qabiilna way u hiilinaysaa midna way ka dhiilinaysaa”.

Waxa kale oo uu Md Cukuse ka hadlay xilka qaadistii uu madaxweynaha Somaliland ku sameeyay badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) waxaanu yidhi “Ramaax wuxuu ahaa muddo badhasaab, wuxuuna ahaa nin dawlada ula shaqeeya sida uu wakiilka ugu yahay, madaxdii isaga maalintaa la joogtay ayay iskhilaafeen, waxaana ka mid ahaa wasiirkii amniga ka dibna amar qaadashadii ayuu diiday, xukuumadu hawshii wanaagsanayd ee uu u soo qabtay way uga mahadnaqaysaa, talaabadana waxa loo qaaday si aanay kala danbayntu u lumin oo nidaamka dawliga ahi uga jawaabo”.

Sidoo kale waxa uu Md Cukuse ka hadlay xilka dib loogu magacaabay badhsabaakii hore ee gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi, “Xamarji wuxu ahaa badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi Jeex, xaq buu u lahaa in uu xilka hayo, ka dib waa la eedeeyey maxkamadbaa xukuntay maxkamadii labaad ayaa ku wayday danbiga, sidii xadhiga loogu abaalmariyay in markii danbe lagu waayay xilkiisii la siiyo abaalmarin ayay u noqonaysaa”. Ayuu yidhi Md Cukuse.

Wasiir xigeenka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka waxa kale oo uu ka hadlay waxa looga baahan yahay xildhibaannada goleyaaasha deegaan ee soo baxay.

“khilaafka dhexyaala xildhibaanada hadhay ee cadhooday waxay tahay mar hadii tartan la galo waa la ogyahay in cidina guulaysato cidna guuldaraysanayso, khayrkuna wuxuu raacaa cida ku qanacda natiijada, madaxweyne Siilaanyo waynu ogayn 80 cod ayuu kaga tegay ducadii maalintaa uu qaatayna waa tan uu maanta madaxweynaha ku yahay, qof kasta oo karaamo iyo sharaf leh oo qiyam leh oo dadkiisa danaynayaa kursi dawlada Hoose ah inuu khalkhal magaalada ku galiyo ilama aha, waxaan isleeyahay murankaasi aakhirka wuxuu ku dhamaan doonaa in dadku ay ka heshiin doonaan, goleyaashuna ay noqon doonaan kuwo si caadi ah u shaqeeya, goleyaashuna way ku qasban yihiin, mar haddii umadu maalin dhan cadceed u taagnayd, mar haddii kharash badani galay, mar haddii iyaga laftoodu ay wakhti badan ku lumiyeen, waa in waxa umadu ka sugayso ay la yimaadaan, waa arrin looga fadhiyo, ma aha in ay baaqato haddii kale nasiib daro ayay noqonaysaa” ayuu yidhi Md Cukuse.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com