Xukuumadda Dhexe Iyo Golaha Cusub ee Deegaanka Hargeysa oo kulan lagu kaftamay ku yeeshay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta kulan qado sharaf ah ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa 25-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Hargeysa.

Wasiiradda kulan hadhimeedkan ka qayb galay waxa ka mid ahaa, wasiirka Maaliyad C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Waxbarashada sam-sam Cabdi Aadan, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badaha iyo Wasiirka Daakhiliga.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur,oo kulankaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Mudanayaasha cusub waxaan leeyahay ku soo dhawaada Eed, ku soo dhawada Wax-qabad, ku soo dhawaada dedaal, Qaranka maalin walba waxbaa ku soo kordha oo qof xil loo magacaabay wax-qabad la’aan kagama tegin oo Ninba inbuu ku daray, sidaa uu Jiciir sheegay ee uu leeyahay annaa Kuraastii ugu horaysay ee Xafiiska Dawlada hoose bixiyay, maanta waxa laga sheegayay shirkii Golaha Wasiiradda in 45 Wado oo cusub Caasimadda laga jeexay mid waliba dhererkay doonto ha lahaatee, markaa Xildhibaanadii afarta Boqol ee Wado ka dhisi laha sow idinka maaha, sidaasaan idin rajeynayaa.”

waxaanu intaasi ku daray “Wajiga inoo hadhay waxa weeye haddii aad idinku xagiina diyaar ka tihiin inaan Maxkamaddii Warqad u qoro oo aan ku idhaahdo Xildhibaanadii waa diyaar ee u mudee Wakhtigii Dhaarinta, waa qodobka kaliya ee idin hadhay, annaguna wasaarad ahaan waa doorkayagii anigoo uga faa’daysanaya”.

Maayirka Caasimada Hargeysa ee wakhtigu ka dhamaaday Xuseen Maxamed Jiciir oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu gacmo furan iyo wax-qabad ay gaadhay dawlada hoose ee Caasimadu ku soo dhaweynayo Xildhibaanada cusub “waxaa farxad noo ah inaad shaqada dawlada hoose nagala wareegi doontaan 10 sanadood ka dib, idinka waxa farxad idiin ah inaad dawlada hoose timaadaan iyadoo dawlada hoose nidaamsantahay oo lacag badan iyo Basic hoose u dhisanyahay inaad timaadaan, oo wax badan la qabtay, haday wadooyin tahay iyo haday Sariibado tahayba”.

Badhasaabka cusub ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa mudanayaasha cusub kula dar-daarmay inay muujiyaan xil kasnimo shaqo iyo wax-qabad, kana fogaadaan is-qab-qabsi iyo muran dhexdooda ah “waxaan idinkula dar-daarmayaa inaydaan dhexdiina murmin oo aad bulshada u adeegtaan, waxaanad ogaataan in Bulshada reer Somaliland Maanta baratay Xisaabtanka iyo sida loola xisaabtamo dadka la soo doortay”ayuu yidhi.

Xildhibaan Yuusuf Warsame Siciid iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) oo gabagabdii shirkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay Madaxda Xukuumadda iyo Golayaasha kale ee Qaranka, isla markaana halkaasi kaga dhawaaqay inay qaateen guud ahaanba talooyinkii loo soo jeediyay.

Somaliland.Org/Hargeysa