Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaalada Dhismaha Xabsiga Dhexe Ee Boorame

Boorame (Somaliland.Org)-Waxa magaalada Boorama maanta kormeer Hawleed ku yimid Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Mud. Maxamed Xuseen Faarax Xiirane iyo wafti uu hogaaminayo, waxana markii ay soo gaadheen Boorama ay kormeer ku soo sameeyeen xaalada xabsiyada, maxaabiista iyo tan ciidanka ee Magaalada Boorama.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee G/Awdal Siciid Xuseen Caynaan Sanyare oo warbixin siinayay taliyaha ayaa ku sheegay in xaalada maxaabiistu ayaad u fiican tahay, balse xabsigu uu yahay mid aad uga yar tirade ciidanka ah eek u jirta loona baahan yahay in laga hawl galo sidii loo balaadhin lahaa.

Taliye Sanyare waxa kale oo uu warbixintiisan ku sheegay in tirade ciidanka Asluubta ah ee Gobolka ku sugan loo baahan yahay in la kordhiyo isla markaana ay duruufo dhinaca gaadiidka iyo qalabka ahi ku gadaman yihiin ciidanka oo loo baahan yahay in laga hawl galo sidii loo tayan lahaa ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Mud. Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo ka waramaya ujeedada safarkan ayaa yidhi “ Kani waa mid ka mid ah kormeeradii caadiga haa, waxa aan u kuurgalaynay xaalada ciidanka iyo tan xabsiyada iyo maxaabiista, waxa aan soo marnay Gabilay, waxa aan ka soo samaynay mid tan la mid ah, Boorama waan waraysanay maxaabiista, dhamaan waxa ay noo sheegeen in xaalkooda dhinaca waqtiga iyo noloshuba ay fiican tahay.

Taliyuhu waxa uu ka dayriyay xaalada Xabsiga waxana uu yidhii “ Xabsigu waa yar yahay, waxa uu u baahan yahay dhismaha in la kordhiyo, maxbuuska aan xoriyada ka qaadnay waxa uu u baahan yahay meel wanaagsan oo uu ku noolaado, arintan waxa aan hore ugala hadlay maamulka gobolka walina way taagan tahay, waxa aan leenahay waa in la dhiso xabsiga, ama hayad ha dhisto, ama xukuumadu ha dhisto ama maxaabiistuba ha dhisaane, waa in arintan si dhaqso ah looga hawl gala.”

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame