Kalfadhiga 20-aad ee Golaha Wakiiladda oo si rasmi ah u furmay iyo Qobadda Ajandahooda ku jira

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta furay kal-fadhigii 20-aad ee Golahaasi, waxaana Mudaneyaasha loogu qeybiyay ajandaha kal-fadhigan oo ka kooban 8 qodob.

Guddoomiyuhu waxa uu Mudaneyaasha ku wargeliyay inay soo darsaan qodobadda ajandaha kal-fadhiga 20-aad ee Golaha Wakiiladda si wax ka bedel iyo kaabis loogu sameeyo ajandahan ay soo diyaariyeen Shirgudoonka aqalkaasi.

Qodobadda Ajandaha Kalfadhiga 20-aad waxa uu u dhignaa sidan:-

1. Warbixinta shir gudoonka,guddida joogtada ah iyo gudiyada golaha wakiilada.
2. Mashaariicda sharci ee golaha horyaala.

Sidoo kale xeerarka lagu soo qaadi doono kalfadhiga 20aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku jira.
1. Xeerka booliska
2. Wax ka bedelka xeerka qareenada.
3. Xeerka saxaafada.
4. Xeerka aas aasida komishanka dib u habaynta shuruucda.
5. Miisaaniyada qaranka ee 2013
6. Xeerka ganacsiga hawlaha baanka
7. Xisaab xidhka dawlada 2008,2009,2010
8. Xeerka statistics law.

Dhinaca kale inta lagu gudo jiro kalfadhiga 20aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa kale oo lagu soo qaadi doonaa.
1. U yeedhista masuuliyiinta qaranka
2. Ansixinta masuuliyiinta qaranka
3. Xeerarka ka soo noqda golaha guurtida
4. Iyo wixii kale ee soo kordha.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com